Waxqabadka Dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed Barnaamij Taxane ah (Jimco waliba)

06/07/2012

.


QEYBTII 2-AAD:- Sanad kadib Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxa uu bilaabay in uu fadhiyo isugu yeero Kooxaha Nabadiidka ah oo iyagu xiligaasi ka careysnaa Guushii Sheikh Shariif uu ka gaaray Doorashada xurta ahayd oo loogu camaamaday xilka madaxtinimo ee soomaaliya waxaana xusid mudneyd in xiligaasi Madaxweyne Shariif uu kasoo goostay Kooxaha nabadiidka ah si wax un looga badalo siyaasada soomaaliya islamarkaana loo badbaadiyo Ummadda soomaaliyeed oo ku hingoowday Dagaalada, nasiibna u yeeshay dagaalo aan dhamaan

13/7/2010 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed waxa uu durbadiiba Dowladaha Caalamka ka codsaday in ay qorsheeyan kal-fadhiyo ku aadan hishiisiinta Dowladiisa iyo kooxaha Nabadiidka ah oo ay ugu horeysay Kooxda Alshabaab oo xiligaasi dagaal xoogan kula jirtay Dowladiisa, Beesha Caalamka xiligaasi iyaduna waxa ay Gaashaanka u daruurtay dhex dhexaadinta Dowlada Shariif iyo Kooxaha Mucaaradka hayeeshe Cidina dhag jalaq uma siin hadalka Beesha Caaalamka waxa ayna ku jawaabeen Kooxaha Mucaaradka (Gaalo iyo Gaala raac fadhi lama qaadan doono) .

Dowlada Madaxweyne Shariif oo kaashaneysay Beesha caalamka Dhamaadkii 2010 waxaa u Bidhaamay in xaaladu ay tahay mid aan mudneyn in xal lagu raadiyo Fadhiyo, Madaxweyne Shariif waxa uu u ruqaansaday Dalka dibadiisa Gaar ahaan Dalka Djabuti, Kenya isaga oo xal raadinaayo ayuu waxa uu kulamo Gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlada Djabuti Ismaaciil Omar Geele oo xiligaasi la oran jiray waa Madaxweynaha Qurah oo xal ka dhalin karo Siyaasadaha is diidan ee u dhexeeyay Dowlada Shariif iyo Kooxaha Mucaaradka ay ugu horeysay Alshabaab wallow ay jireen kooxo yar yar oo iyaguna ku Fakir ahaa Alshabaab sida Kooxda isku magacaawday XISBUL ISLAAM oo iyaguna uu hoggaaminaayay Dagaal ooge XASSAN DAAHIR AWEYS balse dhex dhexaadintaasi wuu ku fashilmay Madaxweynaha Dowlada Djabuti maadaama Kooxaha Mucaaradka ay ka amar qaadan jireen Alqaacida

Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Dowlada Djabuti waxa ay si wada jir ah u aaminsanaayeen in xal u helida Dalka soomaaliya ay ku jirto in Kooxaha Mucaaradka ah loo magacaabo Xubno katirsan Dowlada soomaaliya Balse waxaa la’aamin sanaa in arintaasi ay ahayd mid lagu qancinaayo Kooxaha Mucaaradka, waxaana xusid mudneyd in xiligaasi ay qabeen kooxaha mucaaradka Baahi ku aadan dhanka kamid ahaan shaha Dowlada soomaaliya ama loo magacaabo Xubno katirsan Dowlada soomaaliya hayeeshe Masuul waliba oo katirsan Kooxaha Mucaaradka waxa uu ka qajilaayay in meel cidla ah Gabalka uga dhaco laguna shir qoolo xubinta loo dhiibaayo

Madaxweyne Shariif inta badan waxa uu Diirada saaraayay in mar qurah la helo soomaaliya oo mid ah Balse waxaa arintaasi caqabad ku noqday Kooxaha Nabadiidka ah, Muddo kooban kadib Madaxweynaha waxa uu bilaabay in xalka soomaaliya uu ku raadiyo Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka ah si loo gaaro Horumar la taaban karo waxaa u suura gashay in uu Beesha caalamka ka helo Taageero isugu jira Maal iyo tababaro ciidan, waxaa soo ifbaxay in Dowlada soomaaliya ay heshay Ciidamo lagu soo tababaray dalka dibadiisa waxaana xusid mudneyd in Durbadiiba Dowlada Midnimada qaran ee Sheikh Shariif ay bilowday ladagaalanka Kooxaha kabiya diiday wada hadalka waxa uuna dagaal kula dhaqaaqay goobaha ay gacanta ku hayeen kooxaha Mucaaradka , waxaa bilowday Nasrigii ama Guushii Dowlada Sheikh Shariif waxaana Albaabada u furmay Dagaalo horudhac ahaa oo looga itaal roonaaday Kooxaha Mucaaradka ………..


W/Q. Ali Mohamed Jimale (Ali oyaaye)

Email:- alioyaaye@hotmail.com



Nagala soo Xiriir Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com