Ma doorashaa dan loo arkaa mase dalkaa lagu dumaa?
.
|
Runti cinwaankaas shiribka ah oo aan u doortay in uu cinwaan u noqdo qormadaan xasasiga ah waxaa igu bixiyay wixi aan kusoo arkay soomaaliya oo aan joogay inta u dhexeysa 8/2/012--14/6/012 waa muddo dhan 5-bilood iyo maalmo oo aan aad ugu kuur gelaayay dhamaan hogaamiyaasha bulshada iyo madaxda dowladda ee heer qaran waxaana iisoo baxday arimahaan-
1- dowladda soomaaliyeed ee uu hormuudka ka yahay madaxweyna shariif iyo xukuumaddiisa iyo ciidanka qaran ee uu dhisay madaxweynuhu wexey cagta saareen wadadadii soomaaliya dib loogu xureyn lahaay looguna dhisi lahaay dowlad qaran oo sharaftii soomaaliyeed dib ugusoo celisa iyo umadda soomaaliyeed oo halmar jaanta isla heshay eyna ka muuqato isku duubni iyo howlkarnimo iyo daacadnimo ey u yihiin howlohooda kalsooni dhab siiyay dowladdooda soomaaliyeed ee u horkeceysa wadada neecawda qaranimo.
2- kooxo siyaasiyiin isku sheega oo usoo tafaxeytay iney dabeysha doorashooyinka lagu baaqay ka dhex kaluumeestaan hoteelada magaalada muqdishana buux dhaafshay inta badanna ka yimid dalka dibadiisa oo nabadda yar ee dowladdu muqdisho ka sameysay kulasoo dhiiraday iney dib dalka ugusoo laabtaan shaqooyinkii ey dibadda ku heesteena soo ergaday soona qaatay fasax gaaraaya ilaa dhamaadka bisha 8-daad ee agosto oo ah xiliga ey rejadoodu ku egtahay ahna xiliga ey amaba kursi ka helaayaan isbedelka amaba ey goobtaas khatarta badan ey kasoo tegayaan.
3- Hogaamiya kooxeedyo hore oo fashilmay oo aan danba u arkeyn guulahaas cad cad ee dowladdu ku tilaabsatay weligoodna aan tegin jiidaha dagaalka ey taagnaa jireen waagii isbaarooyinka ey ku dhaqnaayeen daadsaneed iyagoon marna aan dan u arag in ey guuleysato dowladdu lana helo amaan iyo dowladnimo aan lagu kala adkeyn oo ah wax eysan fahmiba karin sidey tahay.
4- Rag siyaasiyiin ah oo waayahu soo saareen marnabana aan ku faraxsaneyn in mashruucaan dowladnimada madaxweyne shariif uu sii socdo maadaama eysan danohoodii gaarka ahaay ka dhexheleyn oo ey u arkaan in buuqa siyaasadeed uu yahay beertoodii siyaasadda iyo dhaqaalaha oo baxday wexeyna isku ujeeda dhawyihin hogaamiya kooxeedyadii hore laakin weyka xariifsanyihiin beesha caalamkana wey isla qaxweestaan oo wexey u wada arkaan mashruucaan wadanigaa ee sh shariif iyo umddu wadaan ee dalka isbedel dowladnimo u horseedaaya inowsan eheyn mid la abshireesto oo uu dib ugu celinaayo bulshadii ey dhibka badan usoo mareen iney kala xirxirtaan sidii turubna ugu ciyaraan waxaana hormuud ka ah howshaas rag umaddu wada taqaan oo siyaasadda ugu jira iney ka dhex ganacsadaan cadawgana u fuliyaan ujeedooyinkiisa.
5- Beesha calamka akhyaarta lagu magacaabo oo iyagu ah niman ka kaluumeesta dhibaatada soomaaliya marnabana aan u arkeyn in ey soo afjaranto wexeyna markastaba i xasuusiyaan shiribkii abwaan cumar xaayow oo kamid ahaay saraakiishii baliiska ee dowladdii reydaka eheed oo reer tolkiis uga digaayay colaadaha iyo dagaalada dhexdoodaa ee lagu gebagebeeyo markastaba xoolohooda inta marka horana leesku diro ayuu ku yiri maalin aad loo gebagebeeyay geel badan oo ey lahaayeen ( lama bohood balaayadood beertaanyiyoo baxdaan dhahnaa) haddaba beesha caalamku wexey u aragtaa dhibaatada soomaaliya iney tahay beertoodi oo baxday mana jecla in ey soo af jaranto marnaba.
Haddaba walaal su,aashu wexey tahay yaa danu ugu jirtaa xiligaan in umadda oo weli aan dalkoodii hanan iyo dowladda oo bilowday iney dib u hanato wadankii in xiligaan umadda lagu jiha wareeriyo doorashooyin iyo khilaaf siyaasadeed oo gurucan???
Waxaan u deynaayaa akhristayaasha jawaabta laakin koleyba anigu waxaan arkaa in ey maanta waajib tahay in umaddu usoo jeesato gacansiinta dowladda si dalka ey gacanta ugu wada dhigto markaasna cidwalba ey wadanka kusoo laabato asagoo nabad ah lana bilaabo markaas doorashooyin xur ah sida caalamka ka dhacda maantana ey tahay oo kaliya in leesu qeybiyo nin tuuta leh iyo mid biyaha ka daba sida iyadoo gobalkasta oo dowladdu qabato ey bilaabaayaan dadka gobolkaas ku abtirsada ee dibadaha dhoobanu iney dib ugusoo laabtaan bilaabaanna dibu dhiskiisa iyo horumarintiisa inta ey hoteelada LONDON amaba NEYROBI ey uga dhawaaqi lahaayeen madaxweynayaal bug ah balsa ey uga fiicnaan leheed in uu qofkastaba gobolkiisa wax la yaqaan kasoo qabto horumarintiisa iyo nabad kusoo celintiisa kidibna uu halkaas qaranka kasoo aado iyo kamidnoqoshada dowladda dhexe amaba tan heer gobol.
Ilaahey waxaan ka baryeynaa inow dalkeena nabad noogusoo dabaalo colaadahana nagasoo dhameeyo aamiin.
Walaal wixii tusaalaa amaba toosin ah kusoo dir caliwajiis@hotmail.com amaba telka ah 00966564710343 KSA.
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!