FADEEXAD Wasiirkii arimaha Gudaha iyo Taliye GAAFOOW oo Norway u yimid in Somalida reer Muqdisho dib loo celiyo aqriso CADEYN BUUXDA
.
|
Norway oo qorsheyneyso in ey dib u celiso Soomaalida magangelyo doonka ah ee Muqdisho ka timaada
Wasiirka arrimaha gudaha DFKM ah oo Norway arrintaas u yimid
Said Abdalla
Oslo Norway, diyaarin/tarjumid. Date 03.07.12
Sida lagu faafiyey wargeyska ugu afka dheer dalka Norway dowlada wadankaan ayaa diyaarisay qorshe aad qarsoodi u ah oo ey heshiis dib u celineed kula saxiixaneyso dowlada Somalia.
Taasi micnaheedu waxey tahay in dadka magangelyo doonka ah ee ka yimaada Muqdisho iyo meelaha kale ee koonfurta Somalia dib loogu celiyo si qasab ah.
Soomaalidu waa qowmiyada ugu badan ee magangeliyo doon u yimaado dalka Norway, sanadkii lasoo dhaafay ee 2011ka waxaa qaxootinimo codsaday dad gaaraaya “1,422” kun iyo afar boqol labo iyo labaatan qofood oo soomaali ah.
Usbuuci la soo dhaafay waxaa kulan qarsoodi ah uu Oslo ku dhexmaray xoghayaha guud ee dowlada Norway Pool Lonset iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Abdisamad Mo’allin Mohamed.
Wargeyska VG-nett waa uu sii ogaa arrinta kulankan inta uusan dhicin laakiin wuxuu doorbiday in uusan shaacinin ilaa wasiirka DFKM uu dalka ka dhoofaayo arrimo nabedgelyo awgeed.
Ulajeedada ey dowlada Norway ka laheyd kulanka waxey aheyd bilaabida shaqada dib u celinta qaxootiga soomaalida ee Norway. Arrintaanina waxey imaaneysaa iyadoo qaboobihii la soo dhaafay uu socday dood ku saabsan siyaasada Norway ee ey ka mid tahay qasab dib ugu celinta qaxootiga magengelyo doonka ah ee Itoobiyaanka.
-Waxaan doonayaa in qasab dib loogu celiyo qaxootiga soomaalida. Taas bedelkeeda waxaan u sheegnay DFKM ah in aan Somalia ka hirgelineyno projektiyo wanaagsan, ayuu sheegay xoghayaha guud ee dowlada Norway.
Wuxuu sharaxay in ey jiraan calaamado muujiyaana in ey Somalia xasiloonidii dib ugu soo laabaneyso.
Xilliga hada la joogo dib uguma celino qaxootiga soomaalia magaalada Muqdisho. Laakiin waxaan ku heynaa qiimeyn joogto ah. Waxaana halkaas ka jiro horumar wanaasan. Laakiin wey adag tahay in aan hada dhahno goortaas ayaan bilaabeynaa dib u celinta qasabka ah. Ayuu sheegay Lonset
Waxuu kaloo sharaxay in dowlada Somalia ey tilmaantay qiimaha ey ugu fadhido mucaawinada Norway.
Waxaa qorshaheena ku jiri karo in aan lacag ku bixino dib u dhisida laamaha garsoorka Somalia. Maanta waxaa lacag badani nooga baxdaa dadka qaxootiga ah e halkaan yimaado iyagoo aan xaq u laheyn in magengelyo la siiyo. Hadii aan lacagtaas ku isticmaali laheyn dib u celin wanaagsan oo qiimo leh waxey ahaan laheyd lacag meel wanaagsan ku baxday.
Maxey idinka yiraahdeen DFKM?
Waxey aheyd kulan aad u wanaagsan, waxaan si furan uga doodnay caqabadaha hortaagan Somalia iyo baahida aan u qabno in aan dhowrano laamaha magengelyo doonkaNorway. Taas micnaheedu waxey tahay in dadka laga diido codsiga magengelyo doonka ey tahay in dib loogu celiyo meelihii ey ka yimaadeen. Taas oo micnaheedu tahay waxaan u baahanahay wada shaqeyn in dib loo celiyo dadka codsigoda la diiday si xornimo iyo arbitaankooda ah iyo si qasab ahba.
Mucaawinada aad bixineysaan ma waxaad ku iibsaneysaan in leydiin la galo heshiis aad qasab ugu celineysaan qaxootiga codsigooda la diiday?
Waxaan dhaheyno waxey tahay, waxaan bixin doonaa mucaawino hadii aan isku raaci karno projektiyo wanaagsan. In aan dib u dhisno laamaha garsoonka Somalia na waxey ka mid yihiin meelaha suurogalka ah in aan lacag ku isticmaalno.
Ma weysan aheyn deg deg in aad dib ugu celisaan qaxootiga magaalada Muqdisho, sida hada xaalku yahay?
Waxaan magengelyo siineynaa dadka u baahan magengelyo siin caalami ah,mana ahan in cid kasto oo ka timaado wadan sidii soomaaliya oo kale ah ey u baahan tahay taas. Maantana waxaa la siinayaa diidmo. Waxaan dooneynaa in aan u diyaarino dib u celin xornimo ah ama mid qasab ah.
Qorshahan oo laga soo hor jeestay.
Dowlada Norway waxey isla markiiba la kulantay ka horimaansho kaga timid xubin ku jiro isla xisbiga talada hayo.
Xisbiga shaqaalaha “AP” Xubin uga mid ah golaha deegaanka Oslo, mr Baashe Muse, oo ah noreyji soomaali ah ayaa ka soo horjeestay qorshaha wasaarada garsoorka.
Arrintani waa deg deg. Sida hada xaalku yahay, ammaan ma ahan in dib loogu celiyo dadka. Ayuu Baashe u sheegay wargeyska VG-nett.
Nb: Wargeysku ma sheegin in DFKM ah ey aqbashay heshiiska dib u celineed ee Norway dooneyso iyo in kale. Laakiin waxaa warbixinka ku cad in qorshahan uu jiro. Cabdisamad, wasiirka arrima gudaha Somaliana arrintan u yimid Norway lagalana hadlay in u saxiixo in Norway qasab dib ugu celin karto somalida qaxootiga ah ee ka yimaada magaalada Muqdisho iyo koonfurta Somalia. Taas bedelkeedana ey Norway mucaawino siiso DFKM ah iyadoo sheeegtay in ey dooneyso in ey dib u dhisto laamaha garsoorka Soomaaliya.
Halkan ka aqri warbixinta wargeyska oo norweyji ah
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!