MAXAAD KA TAQAANAA SHIRIB warbixin xiiso leh Q:1AAD Q:2AAD Q:3AAD

19/06/2012

.


 

Maxaad Shirib ka taqaan? Q:1AAD 
 
Suugaan waa eray kulmiyana: hawraar kastoo hannaan, habdhac iyo heenso u gaara leh. Suugaannna asal ahaan waxay ka timaaddaa hadal, hadalkana waxaa loo kala saaraa: Tix iyo Tiraab ama Hawraar iyo Hal abuur. 
 
Maansadu waxay u kala baxdaa qaybo badan, sida: Gabay, Guuroow, Geeraar, Jiifto, Shirib, Masafo, Saar, Buraanbur, Hees, oo dhawr nooca ah, Hees Hawleed, Hees Ciyaareed, Hees Carruureed iyo Heesaha cusub, ee iminka lagu xareediyo. Suugaanta waxaa kale oo ka mid ah Maahmaahda, Murtida, Halxiraalaha iyo Hawraaraha Halqabsiga ah, ee sida joogtada ah loo adeegsado mid walba xilligeeda iyo xuskeeda gaarka ah lagu xusho.
 
Suugaan wuxuu Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Maansadii “Sirta Nolosha” ku fasiray: “Suugaantu Gogol weeye” tuducdan ayaa waxay qeexday suugaani inay tahay gogol, gogolina ay tahay wax aan laga maarmin, haddana aan koobnayn oo fidsan. 
 
Tusaale: Dhulku waa gogol, korkiisa waxa saaranina maaha wax aragti, ogaal iyo aqoonba lagu koobi karo, sidaa awgeed, waxaa inoo caddaanaya in erayga Suugaani la mid yahay Dhulka, oo dhulka waxaa oogadiisa saaran aan maan lagu koobi karin, Murtiyada kala duwan ee Tix iyo Tiraabba leh ama Hadal iyo Hawraarna loo adeegsado, badideedu inay isugu biyo shubanayso dedan iyo daalacanba Suugaan.
 
Haddii Suugaani sidaa tahay, waa wax aan laga maarmi karin, oo ku salaysan Aadanaha noloshiisa, afkeey doonaan ha ku hadlaane, qoloba si ha u unkatoo ha u lahaato meerisyo ka duwan kuwa qolyaha kale, isaguna imaanaya hadal murtiyeysan, oo dhumuc iyo dhadhan gaar ah leh, ujeedkooda iyo dulucdooduna ha kala duwanaatee waxaa lagu tilmaama afkeena Soomaaliga af suugaan hodan ku ah.
 
Gabaygu waa Boqorka ama Kuruska baarkiisa ugu sarreeya suugaanta, waxaa bah wadaag la ah Gabayga Guuroowga, labadooduba waxay ka siman yihiin Hojiska iyo Hooriska oo aan tixleyda kale la wadaagin, waxayse ku kala duwan yihiin luuqda iyo dhawaqa, inta badan xeeldheerayaasha suugaantu
waxay sheegaan inaysan jirin wax badan oo u dhaxeeya labadooda.
 
Gabaygu dhisme ahaan miisaankiisa waxaa lagu saleeyaa inta u dhaxaysa 19 ilaa 23 alan, waase lagu kala aragti duwan yahay miisaanka Gabaygee, aan intaa uga kaaftoomo.
 
Gabaygu wuxuu leeyahay habdhac iyo khaafiyad u gaara, oo uu kaga duwan yahay suugaanta kale, waxaana laga billaaba inta aan la gelin erayadan, oo looga dhigaa gundhaad iyo dhisme:
 
Hooyala hooyalayeey hoyalayeey hooye, Alla hooye hooyalayeey hoyalayeey hooye aqriste, bal aan kuu tusaaleeyo labadan meeris oo midna yahay gabay midka kalana guuroow yahay.
Aan ku billaabo gabaygee, Abwaan Faarax Shuuriye ayaa ku gabyey:
 
Haddii dhaado gabay Maxamedow la iga dhowraayay
Ninkii xalayto soo dheelmadaan dhowr hal leeyahaye:
Bal dhallaanka wada booyayiyo araddii baa dhii leh
Waayeel dharaartii qadooy gaajo wada dhuuxday
Marti soo dhowoo naga rabtiyo duco inay dhaafto 
Intaas oo dhan baad wada dhacdaye dhimo ha noolaane
Inta Luxud laguu soo dhigdhigo la isku kaa dhaabye
Uunkii kugu dhibtooday kolkuu kala dhaqaaq joogo
Ibliis dhoof maqanaa kuugu yimid dhul iyo hoostiise
Goortaas kula dhaqaaq oo ku gee dhumucii Naareede
Ilaahayna kugu dhugay oo tay iskaga dhaafye
Dhimo oo ha noolaan shay nimaad dhaafisaan ahaye.
 
Guuroowganna waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Gacal Xaayoow waxaa la yidhaahdaa “Farshaxan” waana sidan:
 
Fa’dii Gabayga waayahan dhawaa wayska faasaxaye
Inkastoo falaadh lay sawiray way iska feer maraye
Fange hoobalkiisii ma noqon faansanaan jiraye
Cidna facalul khayr uma samayn ficilyo qawlkiiye
Intaan faraha ciidda u gashaday faalkii maan dhigine
Firdi iima bixin fooxa waa lagu hagoogtaaye
Falaggiyo xiddigihii ma dhugan Fiidadawyadiiye
Fiintina ma ciyin fooridina layma maqashiine
Anigoo aleeshii firdhiyey sooma faalaline
Meeshay ku sii foorartee foodda loo geliyey
Mar haddaan farshaxankeedi jirin waa fashilantaaye.
 
Mar haddii aan fakaday waa inaan faallo bixiyaaye
Alla faxana foolxumada waa laga ducaystaaye
Faruuryahu waxay ku hadlayaan waw fac tiriyaaye
Farsamada hiddaha waa inaan fooska ka hadlaaye
Oon farshaxanka Soomaaliyeed wax u faquuqaaye
Hadba waxii filroonbaa indhaha lagu fayiigaahe
Falkan quruxsan dumarkeenu waa farasamayn jiraye
Geed Mayrax laga fiiqo iyo feerashada Cawga
Aqal faraqa weyn iyo aroos fiidkii lagu hooyo
Firaashkiyo wixii gogola ways kaga fillaayeen
Waayihii fogaa iyo haddaan faylka ku raaco
In farshaxanku taariikh u yahay faciyo jiirkiine
Ayniga la fila baan murtidii ii furfuraydaahe.
 
Mar haddaan farshaxan jirin fandhaal dheri ma yeeshene
Farsmada harguhu hawla badan kuma fillnaateene
Furrun iliindi saarana faqiir kuma xarshaasheene
Falaartaba  haddaan geed birlabba fooda loo gelinin
Ninkii fool libaax kala hor tegay guul ma fillayeene
Farku  fiiqa faallada xantuna way fajacidaahee
Inay ficilya qawlba xaqirtaan kama fogaataane
Farsamada gacmuhu saw waxaan laga fursahayn maaha
Nimaan firrirna daawaynin baad filley  u taagtaane
Maraakiibta sii foorartee firrindigleeynaysa
Diyaaraadka  faandoomka iyo filiqa neebaalka
Maan farshaxanka lagu dhiirigelin fillanba maydaane
Hadba qoladii fahamtaa cilmiga wax uga faa’iida
 
Gabayga oo dhamaystiran halgeeyaha  hoose guji si aad u dhegaysato.
 
 
Sida dhabta ah waxaa laga lagama maarnaan u ah Maansada Soomaaliyeed in Hal eray ay ku socoto, eraygaas oo ay qasab tahay inuu meeris walba ku jiro, Baydka meesha ay noqoto ha ka galee.
Gabayga, Guuroowga iyo Shiribkamaahane inta kale waxaa gelaya meeriskiiba eray qura, halka saddexdan dambe ay tahay in eragu laba kol uu meeriska ku jiro.
 
La soco qaybaha kale ee qormada.
 
Cabdiraxiim H. Galayr
 
 
Maxaad Shirib ka taqaan? Q:2AAD
 
 
Asal ahaan suugaantu waa laba qaybood, mid dhawaq iyo cod keliya leh, sida : Gabayga, Guuroowga, Geeraarka, Jiiftada, masafada, Hees IWM.
 
 
Qaybta kale, waxay leedahay Dhawaq codeed, Jiib, Jaan iyo Booddo u gooni ah sida: Shiribka, Wilaseqada, Waalada, Dhaantada, Barriyada, Sayliciga, Jaandheerta, Suroowga, Gableey Shinbirta, Beerreeyda, Baloolleeyda, Saarka, Batarka, Kabeebey, Hirwada, iyo Buraanburka. Kuwanqaar badan oo ka mida waa Ciyaaro .
 
 
Haddaan intaas kaga imaado faallada iyo falanqaynta guud iyo kala duwanaanshaha abtirsiimada suugaanta, aan u daadego ujeedka iyo dulucda qoraalka oo ku saabsan Shiribka.
 
Shirib xow yahay?
 
 
Shirib eray ahaan wuxuu kuu tilmaamayaa shir ama kulan lagu wada hadlayo ama bandhig dhaqameed, sidaa awgeed, waxaa la yidhaahdaa meeshii socodku ku bato ama la isaga daba noqnoqdo Shirib ama shirbayn,
 
S
hiribku ka suugaan aan qof walliba ma haweysan karo, waa hubaal inaysan u sahlanayn qof walba inuu sameeyo, haddii aanu aqoon fiican u lahayn habdhaca iyo khaafiyadiisa gaarka ah. Waxaa keliya oo shirbi kara qof aqoon durugsan u leh oo farshaxannimadiisa kuna xeeldheer.
 
Sidaan soo xusnayba, Shiribka waxaa lagama maarmaan ah inuu ka unkamo ugu yaraan laba meeris, halka suugaanta kale hal meeris keliya awood u leeyahay inuu meel istaago, marka laga reebo Gabayga iyo Guurowga.
 
 
haddaba Shiribka maadaama aan hal meeris keliya buuxin karin muggii iyo dhumucdii Shiribka, oo haddaan la helin meeris ama tuduc labaad oo tiirisa isla ujeedkiina ka hadlaysa duluc iyo tusaale is qeexaya.
Haddaan xarafka laga unkay Shiribka uusan meeriska galin laba kol ugu yaraan, waxaa ka dhalanaya deelqaaf iyo meeris jaban oo ku yimaada miisaanka iyo khaafiyadda Miisaanka shiribka.
 
Inta badan Shiribku waa 8-8 alan balse, sida ugu quruxda badan uguna habboon waa in Shiribka xarafka
laga billaabayo laba jeer soo galo, waana farshaxannimada ugu sarreysa, way dhacdaa in mararka qaarkood laga maarmo, balse, bilicdiisa ayaa maax dumaysa.
 
 
Shiribku wuxuu ka mid yahay suugaanta murtida iyo mugga weyn, ee geyigeena aad looga xiiseeyo, inkastoo ay jirto in gobollo gaara aad looga adeegsado Shiribka, haddana, waa laga wada yaqaan inta Soomaalidu degto gebi ahaan, Shiribka waxaa inta badan laga adeegsadaa ama si gaara u adeegsada Gobolada dhexe [Mudug, Galguduud iyo Hiiraan] labada Shabeelle iyo Banaadir.Haddaba, aan soo qaadano tusaalayaal dhawr ah.
 
(1) Reer Todobaatan waa tageen
Talo nin Tuur laheey u taal.
 
(2)Dhulkaani dadka waw dhaxays
Dhiishaase ninba meel dhigtaa.
 
Reer Todobaatan waa tageen Talo nin Tuur laheey u taal
 
 
Wuxuu ula jeedaa Laashinku halkan in waayeelkii socdeen, oo badankoodii galbadeen, geeri ama gabow, taladuna u taallo nin Tuur leh.“Tuur”ku waa timo badan oo sidii dhaqanku ahaa dhallinyaradu daysan jirtay waagii hore.
 
 
Tuur” waxaa kaloo adeegsadaa wax walboo soo taagan kuusan isu tagay, waxaa la yiraa: “Tuur Carro ah” ee halkan loogama jeedo “Tuur” oo ah dhabar godnaanta.murtidan waxay ina hogga tusaysaa in mar walba is bedelka laga sugayo dhallinyarada iyo barbaarta.
 
 
Dhulkaani dadka waw dhaxays, Dhiisaase ninba meel dhigtaa
 
 
Dhulka Ilaahay sameeyey dadka wuu ka dhaxeeyaa, balse, qof weliba meel u gaar ah ayuu deegaan ahaan iyo dal ahaan u leeyahay, waxay xigmaddani ina baraysaa in adduunka kala duwanaanshaha deegaamada dalalka dibadda iyo gudaha laftiisa in deegaan walba dad u gaar ahi dego, oo Eebbe ku abuuray oo hantidooda ka dhigay, waa hadal kooban oo xambaarsan halmuceed mug iyo miisaanba leh.
 
Shiribku waa dhambaal suugaaneed laysugu gudbiyo farriimo xanbaarsan murti iyo xigmad aan laga dhergayn. Haddii aan tusaale kooban ka soo qaadanno meerisyadan hoos ku qoran, waxaad ogaan qoto dheerida murtida iyo miisaanka ku dhex jira inaan la dhayalsan karin.
 
 
1.Saddex walxaato Ya ku taal, sadex kaleeto yeeli mee
2.Yuhuuda gaalo la yiraah, Yaasiin aqrista yeeli mee!
3.Yaxaas galbeedna yeeli maa, hortiisa yuulaxyuulaxey
4.Yaasiin madoone yeeli maa, Yibir ku yaal yaddawga gooy.
 
 
Meerisyadan waxay xanbaarsan yihiin macne weyn, laga yaabee inaan qofku hore ka fahmin, haddaanu Shirib aqoon ahayn ama loo faahfaahin. Bal aan faallo kooban ka bixiyo saddexdan meeris ee shiribka ah.
 
Yuhuudda gaalo la yiraah yaasiin aqrista yeeli mee
 
Yuhuuddaoo aan wada naqaan waxaan wada ognahay i naysan ka suuragalayn sida Abwaanku sheegay in haddii Kitaabka Eebbe loo keeno inay aqristaan aysan rabin, oo horeba u diideen, waayo waa caddowga ugu weyn uguna neceb diinta Islaamka .
 
 
Yaxaas galbeedna yeeli maa hortiisa yuulax yuulaxey
 
 
Yaxaas galabnimo webi ama casar iska dabaalo isaga oo gaajaysan yeeli mayo, wuxuu ka xigaa inuu laba kuu kala jaro ama weerar ba’an kugu soo qaado, badbaadadase Allaa haya, isagase talada uguma jirto inaad iska dabaalato, adigoo nabad qaba.
 
 
Yuulax yuulaxax caalashaan inaad isaga hor xaragooto ama laafiyooto, waana fal tilmaamaya dhaqdhaqaaqa dabaalashada ama oo la mid ah dhawaqyada aan codayno af Soomaali ahaan, Miririqlayn, Furdug, qardadac iwm
 
 
Yaasiin madoone yeeli maa yibir ku yaal yaddowga gooy
 
 
Yaasiin ma doone waa Mas [Wed la soo bax] ama [Mar soo bax] qoloba si u taqaan. Yibir waa cayayaanka xoolaha iyo xayawaanka kale cuna, oo muddo ku dhegganaada waxaa kale oo loo yaqaana [Gafane].
 
 
Haddaba qofna ma awoodaa inuu Gafane mas halisa sankiisa ku dhaggan ama dushiisa saaran inuu gacanta kaga soo gooyo? Mas aan dhulba dhicin isagoo wax dila maahee, inaad gacantaada adigu la doonatid taasina waa mid aan la arag.
 
 
Sadexdaa meeris ayaa waxay xanbaarsan yihiin xigmadda intaa qarada le eg, oo ah sadex waxyaabood oo ay adag tahay suuragalnimadoodu.
 
La soco qaybaha kale ee qormada.
 
Cabdiraxiim H. Galayr

 

Maxaad Shirib ka taqaan? Q:3AAD
 
 
Labaddii qaybood ee hore, waxaynu ka soo hadalnay, xeerarka iyo Miisaanka Shiribka iyo hal ku dhigyadiisa lagama maarmaanka ah, inagoo halkii ka sii ambaqaadi donna, ayaa waxaan sii qeexaynaa Shiribka iyo suugaanta kale arrimo ay wadaagaan iyo kuwa ay ku kala duwan yihiin.
 
 
Shiribku maaha hees, balse xilliyadan danbe sida heesaha casriga, hees ciyaareedkii oo dhan looga dhigay hees lagu luuqeeyo, ayaa Shiribkiina laga dhigay hees lagu luqeeyo, oo la dhegaysto, durbaan iyo dararamna leh, wax dhibana uma keenayso qiimaha iyo milgaha Shiribka, wana loo qaadi karaa qaab heeseed, balse, asal ahaan hees maaha, oo bahda heesaha laguma tiriyo, wuxuu la wadaagaa dhinacyada Jiibta jaanta iyo luuqda gaarka ah, booddada iyo gooynta. Jiibta shiribka haddaan tusaale usoo qaadano sidan oo kale ayaa loo jiibiyaa ama loogu luuqeeyaa shiribka Heleey wayaa hibooy hellee, waayaabe heliboow hellee”ama sidan oo kale “Heeleey heeleey heeley waayaa, waayaaba heeleey heeleey waa
Bal liilkan hoose ka dha dhagayso hees uu xareedixo fannaan C/qaadir Macalin Jubba oo qaabka casriga loo tumay.
 
 
 
Wuxuuna leeyahay munaasabado gaar ah, kulamada, shirarka, goobaha la isku ballansado iyo iyada oo ay jirto rag ay hiwaayad gaara iyo himiloba u tahay, in ay isu shirbaan, haddaba, beryihii danbe oo Dowladnimada la helay wuxuu si weyn uga soo dhex muuqday suugaantii lagu maamuusayey munaasabadaha waaweyn iyo xusaska maalmaha qaranka, shirarka muhiimka ee dadka deegaanka laga shirbaa degani ay noqoto wax lagu muujiyo dhaqankii soo jireenka ahaa iyo dareenkooda. Haddaan tusaale ahaan u soo qaadano,Shirib ka hadlaya arrimaha bulshada oo uu tiriyey, Laashin “Nuur Caggeey”(AUN) wuxuu yidhi:
 
 
Afar walxaato Alif ku taal, Minaad aragto waa Inkaar:
Adoon Ariyo Geel lahayn, Abaar ku arrad waa inkaar!
Igaarkii kuu aroorayoon, kuu soo aruurin waa inkaar!
Abooto Aabbahaa dhashood, kaoohisiisay waa inkaar!
Nimaad Islaam ku aamintoo, kaa eexahaayo waa inkaar!
 
 
Wuxuu Laashinku tilmaamay inay jiraan afar arrimood oo inkaar iyo dhibaato sababi kara oo kala ah:
 
 
Adoon Ariyo Geel lahayn, Abaar ku arrad waa inkaar!
 
 
Inta badan abaartu waxay saamaysaa xoola dhaqatada iyo beeralleyda, marka hadduu jiro qof aan xoolo lahayn,beerna lahayn, hadduu yiraahdo waxaan u arraday abaarta iyo wax la’aanta awgeed, maaha wax suurta gal ah, waxaa lagama maarmaan ah inuusan is dhigan abaarta awaadeed ee xoogsado ileen Abaar iyo Aarran waa isugu mid xagiisa, waayo haddii abaari timid iyo haddaysan imanba saamayn kuma laha dhinaca dhaqaalahiisa,dadkuna haynta meel kasta oo la joogo lagama sina, markaa wuxuu Laashinku isagoo baraarujinaya leeyahay; waa inaad xoogsataa, oo aad gacantaada wax kula soo baxdaa, oo aadan u arradin, illeen awalba xoolo maad lahayne, maxaa Abaari kaa taraysaa?.
 
 
Igaarkii kuu aroorayoon, kuu soo aruurin waa inkaar!
 
 
Meeriskani wuxuu ka hadlayaa wiilkaagii ama ilmahaad dhashay oo ceelka kaaga doonay biyo ama xoolihii arooriyey, haddii uusan dib u soo laaban inay tahay inkaar iyo arrin naxdin leh , wuxuu tilmaamayaa werwerka waalidka inaysan hurdo ledin haddii ubadkoodu war iyo wacaal la’aan kaga maqan sidoo kalena wuxuu tilmaamaya amni darrada iyo nabadgelyo xumo inaysan wanaagsanayn.
 
 
Abooto Aabbahaa dhashood, ka oohisiisay waa inkaar!
 
 
Meeriskani wuxuu muujinaysaa inaadan aflagaado u gaysan waalidkaaga oo dhan halkanse wuxuu ku soo halqabsaday Laashinku Aabbahaa Hooyadiis Abooto (Ayeeyo) oo uu sheegay,inay tahay waalid mudan in la karaameeo oo la ciseeyo, in laga inkaarsado ama lagu caasiyaana tahay wax xun oo aan dhaqan iyo diin midna ku wacnayn.
 
 
Nimaad Islaam ku aamintoo, kaa eexahaayo waa inkaar
 
 
Meeriskanina wuxuu tilmaamayaa in is aaminku yahay wax wanaagsan, balse, eexda iyo sinnaan la’aantu tahay wax xun, waayo shaqsi aad aamintay, oo gar u dhiibatay adigoo Islaannimadiisa ku qiimaynaya, oo kaaga eexday si aan cadaalad ahayn waa inkaar iyo habaar weeyaan.
Haddaba Shiribka ayaa leh fan iyo farshaxanimo u gaara, mana aha suugaanta sida Geeraarka, Jiiftada iyo heesta in nin weliba hawaysan karo, ee waxuu u baahan yahay shaqsi aqoon u leh, habdhiciisa, miisaankiisa iyo hannaanka laysugu dubbarido.
 
Shiribku waa gole ka fuul Isla goobta la jooga lagu sameeyee ee looma soo fekero! wuxuu leeyahay mararka qaarkood Halxiraale la isku weydiiyo su’aalo dhaqan ama ujeedooyin kale.
 
Shiribku waxuu leeyahay inta qaab iyo qorshe ee ay suugaaani leedahay, waxaana loo adeegsan karaa Xummaan iyo samaan Wacyigelin, Baraarujin, Jareexo, kaftan, Dhaleecayn, Ammaan, Hanjabaad iwm.
Sida dhaqanku yahayna waxaa jirta qaabab badan oo dadku wax isu tari jiray, sida Kaalada, oo ninku markuu guursado xoolo loo uruurin jiray, Qaaraanka oo qofka haddii xooluhu ka baxaan uu dadkiisa xoolo u soo guri jireen, Magta ama Diyada oo iyana laysla bixin jiray, iyo deeq gaar ah oo ninka la gacloon jiray xigaalkiisa ama xididka ninka uu ka xoola iyo xandho badan yahay inuu u bar gooyo xoolihiisa.
 
Haddaan tusaale u soo qaadanno, waxaa hadda ka hor dhacday in Laashin “Cabdulle Aw Muuse” (AUN) Oo aad caan uga ahaa deegaannada Shabeellaha dhexe ayaa waxaa u soo xoolo doontay dad ay ehelo ahaayeen, oo aysan isla waqtigaas isku deegaan ahayn, nimankii marka ay u yimaadeen ayuu shirib su’aalo ah weydiiyey isagoo qaabka ay wax uga doonayaan raba inuu ogaado, si suugaanaysan oo asluubaysan ku yiri sidan:
 
 
Saddex Walxaatoo Deelku taal, middaad ku soo dannaysateen?
1.Ma Daaw daba caddaadayaa, ku soo diroo ducaad waddaa?
2. Mise Dog cosoboo tahoo, wax daaqa kuuma dabranayn?
3.Mise Nin dableyahaad tahoo, minaan ku diido way dirqee?
 
 
Haddaan falanqayn kooban ka bixiyo, qaabka Laashinku u dhigay Shiribka wuxuu weydiiyey saddex su’aalood midkay ahayd dantoodu:
 
 
Ma Daaw daba caddaadayaa, ku soo dirroo ducaad waddaa?
 
 
Daaw waxaa loo yaqaan Dooga ama baadka xiliyada abaarta ba’ani dhacdo baadka oo dhami, Caws iyo Cayo &Caleentuba waa qalalaan waana caddaadaan , laashinku isagoo weydiinaya Ma abaar iyo meel baad iyo biyoba lahayn oo geedkeedii caddaaday ayaad ka timaaddeen oo xoolo iyo kaalmo raadis ayaad ahaydeen?
 
 
Mise Dog cosobbaad tahoo, wax daaqa kuuma dabranayn?
 
 
Mise waxaad tihiin niman bar xoolaad lagu ogayn, oo xariggooda xoola ku jirin,
Marka barrinka reerku deggan yahay ay xoolo joogaan, Digo, Farsho, Saalo, iyo raad xoolaad oo badan iyo geedaha oo ka dhammaada ayaa lagu yaqaan, haddiise aysan meeshaas xoolaha joogin carro nadiifa oo caws iyo cayo ka buuxaan, saalo iyo raad xoolaad midna lahaynm waa halka Laashinku ka leeyahay ( Dog cosob) gurigaagu waa guri aan xoolo ka dareerin ayuu uga danleyahay.
 
 
Mise nin dablehaa tahoo, minaan ku diido way dirqee?
 
 
Mise nin dab iyo hub wata ayaadba tahay, oo xitaa haddaan waxaad u socoto diido ama kuu deyriyo nin dib u noqonaya ma tihide waabad i dilaysaa, saddexdan weydiimood oo mid weliba na barayso ujeeddo gaar ah oo laysugu yimaad ayuu na tusinayaa shiribkani.
 
Haddaan Tusaale u soo qaadanno wada hadalka ama hanjabaadda iyo Garnaqsiga, waxaa dhacday in laba nin ay dhex martay dood ku saabsan Dhul ay isku haysteen, oo midkood lahaa kan kalena doonayey inuu dhaco ama ka duudsiyo isagoo weliba go’aankiisa adkaynaya ninkana xoolihiisa ku bannaysanaya ayaa wuxuu yiri:
 
 
Intaad dhinac saarataad, Dhulka ku leedahee i dhaaf!
 
Ninkii kale oo ka garaabayaa inay xaq tahay in qof weliba leeyahay inta godkiisa laga qodayo, haddana diiddan in xoolihiisa la dhaafiyo oo garnaqsanaya ayuu ugu jawaabay:
 
Dhawaaqaas halna way dhibaa, Halka kalena way dhacaa
Intaad dhinaca saarataad, Dhulka ku leedahaay dhacee
Ii dhaaf dhaxalkii Aabbahaa, ha ku dhimanniney dhibee!
 
 
Si farshaxanimo iyo aftahanimo ku jirto oo falsan ayuu ugu hal celiyey jaalkiisii boobka u taagnaa, wuxuuna ku yidhi, waan ogahay inaan intaan dhinaca dhigayo ku leeyahay dhulka, waana iga dhaadhacsan tahay, waase haddaan dhinto, balse intaan noolahay dhaxalkii Aabbahay in nin iga dhaco oo I yiraahdo ii dhaaf ama iiga leexo yeeli mayo, taasi way i dhibaysaa .
 
Sidoo kale, dhinaca Kaftanka iyo jaajaalaynta ama jareexada waxaa jira iyana shirib badan oo ka hadlaya, haddaan mid ka mida tusaale u soo qaadanno oo laba nin is weydaarsadeen waxay yiraahdeen:
 
 
Juuc qaajo waa jirroo kalee, jeebkaaga mayga jeenanee?!
An weyga Jeenya weyn tehee, Jeebkayga xaa ka soo jeree?!
Nin jirran oonan jeenayn hayn, waxaw jeri jiraan jeraa!
Is jilci jidkaas wareeg, Jamaaco saas ahaa jirtee!
 
 
Labada Laashin ayaa is weydaarsaday sheeko qurux badan, oo sidan u dhacday
 
Juuc qaajo waa jirroo kalee, jeebkaaga mayga jeenanee?
 
Wuxuu yiri: gaajadu waa cudur halisa, ee jeebkaaga wax iga tar oo iga af qabo, ama iga jeenane wax dheef iga sii.
Wuxuu ugu jawaabay:
 
An weyga Jeenya weyn tehee, Jeebkayga xaa ka soo jeree?
 
Waabad iga xoog weyn tahay, oo iga gacmo waaweyntahay, ee maxaa jeebkayga iyo waxaan haysto ku tusay.
Kama harine wuxuu yiri :
 
Nin jirran aan jeenayn hayn, waxaw jeri jiraan jeraa
 
Nin kaalmo u baahan oo xanuunsanayaa wuxuu dooni jiray baan doonayaa, sidaas awgeed baan wax kuu weydiistay
Wuxuu ugu jawaabay:
 
Is jilci jidkaasna qaad, Jamaaco saas ahaa jirte
 
Wuxuu yidhi isagoo u deyrinaya welibana jikaaraya, way jiraan qolyo farsamadaa wax ku raadiya oo tuugsada ee intaad is jilciso isna debciso miskiinimo muujiso jidkaa raac cid wax ku siisa waayi mayside!
Shiribyada aan soo sheegnay oo nooc walba lahaa, wuxuu ku tusinayaa inta Suugaan loo adeegsado, ee qaybaha nolosha ku saabsan inuu shiribkuna leeyahay, oo uu yahay Suugaan dhumuc iyo qareba leh una baahan in la barto lana adeegsado.
 
 
Abwaanka ama Laashinka Shirib yahanka ah wuxuu markiiba dareemi karaa halka deelqaafka iyo laaxinku kaga jiro markuu maqlo ama aqriyo, waxuu kale oo leeyahay arrimo u gaara, oo waxaa laysu saar saaraa saddex saddex ama shan shan ama toddoba iyo ka badan, oo isku xiran iskuna ujeeddo ah, nin weliba awooddiisu intay la eg tahay, jaallaha kale ee jawaabta laga sugayaana waa inuu jidkii, isla eraygii iyo isla ujeeddadii maraa, sida ciyaaraha, hiddaha iyo dhaqanka ay ku caan yihiin.
 
 
Waxaa kale oo shiribka ay ku lifaaqaan ragga farshaxanka ah ee aadka u yaqaan Guuroowga ama gabayga oo marka abwaanku gooynayo uu shirib ku gooyo ka dibna shiribka iyo booddada, jiibta iyo jaanta lays raaciyo, oo Abwaanka gole ka fuulka ah ee bulshada dhexdeeda gabayga la taagan ku xiiqtirto, mararka qaarkood waxaa dhacda in Abwaanku markuu dhammeeyo Gabayga, Abwaan kalena saaro shirib la halmaala Gabayga ama Guuroowgaas ku laro oo ku bilciyo.
 
Tusaale ahaan: Guuroow & Shirib “Riyo” Abwaan Cabdulle Geeda Naar, wuxuu yiri:
 
Xalayaan riyoodoo oo qalbigu raaxo uu helaye
Hala raaya aan yeeldhay iyo wiilal aan raacsho
Saca raaya aan yeeldhay oo Dibbigu raawaayo
Riyo badana waa yeeldhay, oo laga ruxaa caano
Reer qurxoona waa yeeldhay ,iyo Ra’ iyohaaman
Risqi badana waa helay iyo Ribix aduunyaale
Raalli naaga aan yeeldhay, oo saan raba u taalla
Wiilal ragana ay ii dhashiyo, riigtan lagu faansho
Ra’liga hadday soo galaan, laga rumaysaayo
Aniguna rijaal aan naqdhay iyo oday Bun ruugooba.
 
Raaxadii minaan helay, dantuna saan rabo u taallo
Aan rakooc ka soo iri hurdada, reedahana fiirshay
Minaan dayey wax ii raaya maleh, raadna kuma yaallo
Ee rabaan cawada seexdayaan, madax ku riiqaayey.
 
Waxaan iri: riyooy waa hubood caawa iga reeysay
Waxay tiri: adaa rabay asaan sida u rooraayey
Waxaan iri: minaan rabayna waa shaqadii ruuxaanta
Waxay tiri: wax ruuxaan la dhaho, raadka kuma saarin
Waxaan iri: maxay rorojiyoo, rigixa ii geeystay?
Waxay tiri: ma roogsane, rabtaad luga rafaadaysay.
 
Waxaan iri: rag kale maa aragtoy riyo ku dheelayso
Waxay tiri: raggaan badan, sidow rabo riyow sheegta
Waxaan iri: runtaa maahan oo ribixi buux waaye
Waxay tiri: hadduu ruux ordo xaa rabta u yaalla
Nin weliba asoo weliba rabaa laga ridaayaaye.
 
Ka dibaan rumaystay oo qalbiga saas kale u rogaye
Waxaan iri: run sheegtaa iyo been rabrabisaaba
Waxaan iri: is riixdaa iyo raalli noqotaaba
Waxaan iri: rabbaysaa iyo hoos u rogantaaba
waxaan iri: raqiistaa iyo ribix dhex joogtaaba
Waxaan iri: ruxaysaa iyo yaabis ridataaba
Waxaan iri: raq jiiftaa iyo roor ku jirisaaba
Waxaan iri: raraysaa iyo ruun ku dhaqataaba
Waxaan iri: minaad raran heshiyo rays ku socotaaba
Waxaan iri: rumootaaye ilkaha rigif ku qaadaaba
Waxaan iri: rag noqotaa iyo riif u dabataaba
Rafaadkeerya reenteer aduunyada runteed maaha
Nin weliba asoo weli rabaa laga ridaayaahe
Inta ruuxu kugu jiro waxaad aragto ruug waaye
 
Hoobaloow, hoo, shirib
 
Raguu intuu run moodayoo, reyn loo qabaan riyo iraah,
Ninba haddow rab roogsayoow, rumoowye rag isu qabyaa!
Liilkan hoose ka dhagayso Guurowga iyo Shiribka isku laran ee Abwaanka:
 
 
 
Gebi ahaan suugaanta Soomaaliyeed ayaa leh murti iyo mug culus, muddooyinkan danbena waxaana inta badan wax laga qoraa qaybaha kale ee suugaanta, sidaa awgeed maan arkin Abwaan ama suugaanyahan wax ka qoray shiribka, waxaana ii soo baxay inay lama huraan tahay inaan qalinka u qaato, oo aan qormo kooban ka diyaariyo shiribka, haddii Eebe ogolaadona waan joogteyndoonaa faallada iyo falanqaynta jaadadka kala duwan ee suugaanta Soomaaliyeed hadba intii awood iyo aqooni ii ogolaato.
 
Dhamaad.
 
 
Mahadin
 
Tixraac
Xuseen Madoobe Milkiilaha Shaaciye
Abwaan Axmed Xaayoow
Nabbadoon Cismaan Axmed Mataan(Cismaan dheere)
Bashiir M. Hersi,
Kaydka Shaaciyenews ee Guuroowga iyo Shiribka .
 
Cabdiraxiin Hilowle Galayr


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com