Eng-Yariisoow waa nin Geesi ah oo dalkiisa u dhimanayo:Joornaalka afka-dheer ee Telegraph oo warbixin ka qoray

16/06/2012

.


Joornaalka afka-dheer ee ka soo baxa Dalka Ingriiska (Telegraph)ayaa maqaal dheer ka qoray Engineer C/raxmaan Yariisoow oo Afhayeen u ah Dawladda KMG-ah ee Soomaaliya oo muddo sanooyin ah ka tirsanaa Golaha Deegaanka Magaaladda Eeling ee ku-taal galbeedka London.

Engineerka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi geesi ah oo naftiisa u-huray sidii loo heli-lahaa Dawlad Soomaaliyeed,waxaana lagu xusay Joornaalka inuu yahay gacanta midig ee Reysalwasaaraha Soomaaliya.
Yariisoow ayaa xusay in qoyskiisa ku-sugan magaaladda London kolka uu la hadlayo ay baroortaan,maadaama uu ka hawlgalo Magaaladda Muqdisho oo 2-jeer la isku dayey in la khaarajiyo Engineerka,oo sheegay inay Alshabaab ku qoreen liiska loo yaqaan (Liiska dhimashadda)

inkastoo uu xusay inuu naftiisa u haligayo si loo helo Xukuumad Soomaaliyeed oo dalka oo dhan xukunta loona soo celiyo heykalkii Dawladnimadda.

 

Warbixinta Suxufi Nick Meo ka diyaariyay oo dhameystiran hadaad taqaan luqadda Ingiriiska MAHAAN  ka akhriso:

www.telegraph.co.uk/news/worldnews/africaandindianocean/somalia/9321941/How-a-former-council-official-from-west-London-has-helped-tame-the-worlds-most-dangerous-city.html

turjume godo-godo



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com