Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia oo Qado Sharaf U Sameysay Haweenka Soomaaliyeed FIIRSO SAWIRADA

15/06/2012

.


Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Marwo Faadumo Xaaji Mustaf ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameysay magaalada Muqdisho Haweenka Soomaaliyeed.

Qado Sharaftan oo ka dhacday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka aheyd Marwada Ra’isulwasaaraha Dalka Marwo Drso Hodan Saciid Yuusuf waxaana u jeedada Qado Sharafta aheyd iney Haweenka Soomaaliyeed wax iska weydiiyaan xuquuqdooda iyo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Dalka.

Drso Hodan Saciid Ciise Marwada Ra’isulwasaaraha Dalka oo ugu horeyn Munaasabadda ka hadashay ayaa Marwada Madaxweynaha uga mahad celisay qado sharaftan ay u sameysay Haweenka Soomaaliyeed waxaana dhanka kale ay si’aad ah usoo dhaweysay talaabada Haweenka lagu siiyey 30% ayadoo Madaxda sare ee Dalkana ka codsatay in Haweenka meel walba laga siiyo 30%.

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Marwo Faadumo Xaaji Mustaf oo gebagebadii Munaasabadda Qado Sharafta hadal ka jeedisey ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay geerida gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka waxaana ay Madaxda sare ee Qaranka ugu baaqday iney bixiyaan xuquuqda Haweenkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayey in dalka ay ka xoreeyaan cadawga.

Qaar ka mid ah Haweenkii kasoo qebgalay Qado Sharafta oo iyaguna gunaanudkii ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Marwo Faadumo Xaaji Mustaf Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaana ay talaabadan ku tilmaameen mid muujineysa sida ay Marwada Madaxweynaha ugu taagantahay xiligan dhiiragelinta Haweenka Soomaaliyeed.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com