Siyaasiyoow Hadalkaaga Sumad ku dhigo WARBXIN xiiso leh fadlan AKHRISO

10/06/2012

.


 

Siyaasiyoow Hadalkaaga Sumad ku dhigo!
 
Wacanaa inaad dhawrto afkaaga, weedhaadana dhigaashato, waxaad tidhina xasuusnaataa maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda(Hadal wuxuu amaan yahay intuu uurkaaga ku jiro)   waxaad moodaa dadka maanta jooga inay siyaasada ama khudbadaha markay jeedinayaan aysan u suntanayn oo aysanba meel ku dhigan wuxuu yidhi wuxuu balan qaaday iyo wixii uu ku sheegay go’aankuu qaatay iyo sheekooyinkii uu ka sheekeeyey mawqifkii uu shalay iska taagay iyo kan uu ka damacsan yahay toona.
Qaarkood ayaa shir jaraa,id qabanaya waxay soo saarayaan Bayaan iyagoo weliba ku qeexaya qodobo ku suntan tirooyin oo ay waafajiyeen   waxay diideen iyo wax ay  ogolaadeen, muddo saacado ah ka dib waxaad maqlaysaa hebel oo go’aankiisii wax ka bedelay, is bedelkaas oo aan ujeedo iyo ka jeedo midna lahayn.
Waxaan aad ula yaabay oo weliba wax ii cuntami waayey noqday madaxdii maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland Caalin iyo Fartoole ee dhawaan intay ka dhawaajiyeen inay ka qayb gelayaan shirka turkiga haddana   saacado ka dib u duulay   iyagoo ku andacoonayaa waa nala maslaxay iyo waxaan dalbanay ayaa naloo fuliyey oo ka duulaya dan gaar ah iyo  hadaf aan dhaafsiisnay rabitaankooda qof ahaaneed.
Sidoo kale waxaa isaguna dhawaan warbaahinta ku soo baxay hadalo iska hor imanayaa oo uu ka dhawaajiyey Ra’iisalwasaarihii hore ee Farmaajo ka dib markii uu sheegay in Heshiiskii “Kampala Accord ”  ahaa mid wanaagsan oo waafaqsan sharciga   isagoo weliba aad u amaanay sheegayna in waxyaabo wax ku ool ah ka soo baxeen nabadda iyo horumarna lagu gaadhay , haddaba mudaaharaadyadii ka dhacay muqdisho ee dadka qaarkii ku dhinteen saw maaha hadalkaasi mid odhanayaa waxay ku dhinteen qalad ee aniga iyo taageeradayda kuma dhiman khasaarihii dhacayna wuxuu ahaa mid ka soo horjeeda wanaaga uu maanta sheegay Ra’iisaal wasaaraha hore oo dhawr goobood oo xaflad loogu qabtay ka jeediyey in la dulmiyey balse dadka qaarkii ama badidoodu is waydiinayeen haddii la dulmiyey muxuu ka dooney meeshii lagu dulmiyey maalmo ka dib Caasimada Kampala ee dalka Ugand oo uu dhakhso ugu noqday markuu xilka iska casilay ?! Su‘ aashan ayaa salka ku haysa inuusan u tanaasulin dan shacab iyo mid umadeed toona balse uu galay heshiis siyaasadeed jagadiisana uu ka iibsaday ka dib balanqaad uga yimid   raggii markaas danaha gaarka ah ka lahaa bedelaadiisa iyo inuu meesha ka baxo.
Siyaasiga ama shaqsiga masuulka waxaa haboon inuu go’aanka uu qaadanayona uusan ku degdegin odhaahda uu odhanaya ay noqotaa mid   ku salaysan xaqiiqo   ama ka timid dareenkiisa oo fayoow hadhoowna uusan ka qoomamayn wixii kaga yimaada(Ama afeef hore lahaw ama adkaysi)
Miyeysan u ekayn arinta Farmaajo “Kampala accord” inuu hore fekerkii uu bulshada u sheegay in laga gardarnaa loona diidanaa inuu dalka daacadnimado ugu shaqeeyo waa siduu hadalka u dhigaye oo maanta u bedelay   damaciisa siyaasadeed ee kursiga ah si uu weji uga kasbado Madaxweynaha Uganda oo awood baaxad leh ku leh dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya  Muqdisho maadaama ciidan ku dhaw 10 kun ay ka joogaan .
Waxaad moodaa dadka Soomaaliyeed inay maalin walba ku kahdoomaan shaqsi ay moodayeen inuu yahay hogaan umadeed oo marka   danbe jeebka kala soo baxa teesaro ka duwan kii ay ku barteen oo ay mar keliya umaduna la yaab iyo amakaag ku noqdo ficilada iyo hadalada cusub ee ka yimaada shaqsigaas.
Dhacdadan iyo kuwa la midka ah intee in le’eg oo saamayn ah ayay ku yeelan kartaa taageerayaasha ninkii shalay ku yidhi waa lay dulmiyey inuu maanta ku yidhaadho waa lay wanaajiyey ee anigaa (Been sheegayey) waa arin fool xun Xigmad soomaaliyeed ayaa tidhaahda dharku wuu fasaqmaa (Liinbaxaa) midab guuraa haddii dhaqmadu ka badato dadkuna waa fasaqmaa   haddii gadgadoonta iyo isbedbedelku ka bato oo waxaa ku sifoobayaa Jirjiroole saw ma haboona in bulshada soomaaliyeed u dhug lahaato cida ay taageerayso iyo sababta ay ku taageerayso iyo inay taageeradooda ku bixiyaan Meel haboon.
 
 
 
 


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com