Ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo saacadaha soo socda Muqdisho ku soo fool leh.

22/02/2013

.


Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag iyo wasiirka horumarinta ee dalkaas Cevdet Yilmaz ,iyagaana lagu wado inay la kulmaan maxadda ugu saraysa dalka. 


Sida laga soo xigtay Ra’iisul Wasaare ku xigeen Turkiga Bekir Bozdag waxay kormeeri doonaan isaga wasiirka wehliya xarumo ay dowladda Turkigu Hay’adeheeda mashaariic horumarineed ka fulinaya oo ku yaala magaalada Muqdisho. 


Warbaahinada qoray warka ku sabsan wafdiga dowladda Istambuul ka socda ee iman doona Muqdisho sooma aysan xigan booqashada Bekir Bozdag iyo wasiirka hormarinta Cevdet Yilmaz inta ay qaadan doonto .

 

Dhinaca kale  mudooyinkii dambe ay isdabajoog ahaayeen magaalada caasimada eee  Muqdisho soo gaarayeen  mas’uuliyiintan uu heer koodu sareeyo oo ka kala socda caalamka, iyadoo  wafuuda ka socda Turkiga ay ka duwan yihiin kuwa kale maadaama dowladda Turkiga ay Soomaaliya dhinacyo badan iska kaashanayeen sida hormarka . waxbarashada , dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada Dowladda Soomaaliya.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com