Ishii bugtaay ku bikaacso maamulka ay sameeysanaa yaan dadka dega gobolada Jubbooyinka

22/02/2013

2


Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolada Jubbooyinka waxaa soo afjarmay qabanqaabadii ugu dambeysay munaasabad looga dhawaaqayo maamulka gobolada Jubbooyinka, iyadoo magaalada Kismaayo ayaa ku sii qulqulayaan wufuud ka kala socota Dowladda Soomaaliya, gobolada Jubbooyinka, Q/Midoobay, Midowga Afrika iyo ergooyin ka socda wadamada deriska la ah Soomaaliya.



Maamulka cusub ee loo sameynayo gobolada Jubbooyinka oo markii ugu horeysay ay u dhan yihiin dhamaanba beelaha dega gobolka, waxaa socodka munaasabadda, taakuleynta iyo talooyinkaba door muuqda ku leh madax iyo shaqsiyaad ka soo jeeda Jubbooyinka.

Haddaba waxaa nasiib darro ah oo noqotay dabeecado aan Soomaalida ku cusbeyn in shaqsiyaad sheeganaya aqoonyahano, kuwo lumiyay kalsoonida dadkooda iyo kuwo inkiray asalkooda wixii ay ahaayeen inay maanta ku andacoodaan hadallada ah: "Kismaayo waxaa heysta ciidamada Kenya, IGAD ayaa maamul sameyneysa jubbooyinka" iyo ereyo kale oo marka aad dhuuxdo halku dhigoodu yahay "Looma dhama" iyagoo waliba daldaloolo u yeelaya in dadka degan Jubbooyinka ay sameystaan maamul.

Kuwa weli aaminsan afkaaraha duugoobay waxay iloobeen in xaalada aanay meesha ay la noqotay, isla markaana Soomaalida ay ka kortay in la carqaladeeyo hannaan kasta oo horseedaya wanaagga iyo is maamulka dowliga ah wax aan ahayn inaysan ku hagaageynin.

"Hurdaayow ka toos" ayaan leeyahay kuwa firadaha duqoobay weli dabada haya, waxaan leeyahay yuusan hadal idin ka tegin, diid ama ha diidin maamul u sameynta Jubbooyinka waa muqadas lama taabtaan ah in dadka gobolka ay sameystaan maamul dowli ah.

Magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolada Jubbooyinka haddii aan lagu yagleelin maamulka loo sameynayo gobolada Jubbooyinka xagee lagu sameyn lahaa?, su'aashaas waxaan weydiinayaa kuwa ku hadaaqaya "Kismaayo maamulka aan loo dhameyn ayaa laga sameynayaa", waxayna runta biyo
kama dhibcaanka ahi tahay in maamulka Jubbooyinka lagu abaal marinayo kuwii dhiigooda iyo dheecaankooda uu ku baxay xoreynta gobolka.

Soomaali waxay tiraahdaa "Riix qabe intuusan qeylin ayaa ribix qabe qeyliyaa" kuwa hadal xumada la soo taagan ma aha kuwo matali kara shacabka Jubbooyinka, bacdamaa shalay ay ka dhuunteen halgankii gobolka lagu xoreynayay.

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay Ishii bugtaay ku bikaacso maamulka ay sameynayaan dadka dega gobolada Jubbooyinka, waxaana ugu hambalyeynayaa guusha ay gaareen maanta oo ay u soo mareen dariiqa aadka u dheer ee qodxaha iyo kaxarka badan, anigoo sidoo kale ku boorinaya shaqiyaadka gobolka u dhashay ee xumaatida u yeelaya in Alle SWT uu garadsiiyo wanaagga, walaaltinimada, wadaninimada iyo nabadda.

Waxaa Diyaariyay:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: jabriil37@hotmail.com



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com