Maxey tahey danta Itoobiya ugu jirta maamulka Jubbaland?
.
|
Maxey tahey danta Itoobiya ugu jirta maamulka Jubbaland?
Wax badan ayaa arrinta maamul u sameynta Jubbooyinka lagu aqrinayey ookiyaale qabiile, bal markaan aan u gashanno ookiyaale istiraatiijiyadda dowladaha gobolku ka leeyihiin maamulkaas muranka badani ka taaganyahey.Dowladda Itoobiya waa dowladda kaliya ee laga yaabo wax aysan dowladda soomaaliyeed raalli ka aheyn iney ka meel marin karto dalka Soomaaliya, haddey sidaas gacan uga hesho qeyb ka mid ah bulshada soomaaliyeed.
Ma jiro qabiil kaligiis wax aysan dowladda Soomaaliyeed raalli ka aheyn ka sameyn kara jubbooyinka isagoon Itoobiya taageero ka heleyn qabiilkaasi.
Haddaba arrinta is weydiinta mudan waxey tahey muxuu yahey mowqifka Itoobiya ee ku wajahan Jibbooyinku? Ma taageersantahey mise way kasoo horjeeddaa maamulkaas shirkiisu ka socdo hadda Kismaayo?
Arrintaas la isma weydiin oo si fiican looma raad raacin. Waxaana kasoo baxaya Itoobiya ishaarooyin aan hal dhinac u socon oo is burinaya. Laakiin ilaa hadda ma cadda iney kasoo horjeeddee iney taageersantahey maamulkaas ayaa muuqaneysa.
Haddey kasoo horjeeddo way soo bixi doontaa,laakiin aan kasoo qaadno iney taageersantahye maxaa sabab u ah Itoobiya oo Ogaadeen wax la raadineysa maxaa ku hoos qarsoon?!!!!
Maxey tahey danta Itoobiya ka leedahey dhisitaanka Jubbaland?
Haddaan dhanka wanaagga ka eegno oon niyadda u hagaajinno Itoobiya waa iney dooneyso iney qabiilka hadda maamulkaas hor boodaya ku laaluushto Jubbooyinka si ay Kililka Shanaad qabiilka u badan dagaalkana kula jirey Itoobiya oo Ogaadeenkaa ay nabad u qaataan oo ay shidaalka dhulkaas ku jira si nabad gelyaa ugala soo baxdo! Waa suurto gal iney sidaasi jirto waana sida hadda Ogaadeenka Jubbaland taageersan u qaateen kuna shaqeynayaan. Itoobiya haddey Ogaadeenka ku taageerto Jubbaland muxuu Ogaadeenku siinayaa Itoobiya? Waa su,aal u baahan in la is weydiiyo!
Sida kale oo suurto galkaa waxey tahey in Itoobiya dooneyso iney isku disho kalana disho Ogaadeenka iyo soomaalida kale oo ay conflict ka dhex abuurto ay isku colaadiyaan waqti dheer si iyadu ay soomaalida kale uga hesho garab lagu cuna qabateeyo Ogaadeenka.
Waxeyna kale oo arrintaasi ku saacideysaa Itoobiya iney soomaalida isku jaan jaanto oo iyagu isku sameeyaan containment ama iney iyaga isku mashquuliso oo ay firaaqo u waayaan iney dhistaan dowlad xoog leh.
Haddey Itoobiya weli ku taagantahey tubteedi iyo istiraatiijiyaddeedi aheyd ineysan Somaliya yeelan dowlad xoog leh,markaas waa gar iney taageerto oo garab siiso qabiil kasta oo carqalateynaya dowladda soomaalieed. Haddey tahey G/Gaduud,Hiiraan,Bay ama Jubbooyinka waa iskugu mid markaas oo qolo kastoo dowladda soomaaliyeed isku taagta waa u dan.
Arrintaasi ma ahan mid qarsoon oo ka qarsoon caalamka iyo soomaalida intaba. Oo xataa soomaalida Itoobiya garabka uga raadsaneysa “danahooda gaarkaa” way la socdaan in Itoobiya caawineyso ciddii carqalad ku keeneysa soomaaliya oo ah qaran xoog leh oo is difaaci kara oo mid ah.
Laakiin waxaa jirta in madaxda dowladda soomaaliyeed oo hadda jirtaa isku dayeen iney Itoobiya ka qanciyaan iney danteeda mashruucaa ka heli karto Soomaaliya oo qaran ah oo mid ah. Waana dhab haddii loo kaco dhanka iskaashiga iyo wax wada qabsiga in labada dalba midba kan kale wax u faa,iideyn lahaa intey is dhibaateyn lahaayeen.Laakiin su,aashu waxey tahey Itoobiya waa loo bandhigey fikraddaase iyadu ma iibsatey aragtidaas oo dan maka leedahey soomaaliya qaran ah oo jirta?
Maxey kale oo tahey waxa Itoobiya u taageereyso gobol kale oo dowladdii dhexe ku amar diidey oo maamul aysan dowladdiisi oggoleyn ay wax uga dhiseyso haddey Itoobiya daacad ka tahey arrintaas?
Danta qabiilka maamulkaas hor boodaya uu ka leeyahey haddey Itoobiya ku saaciddo maxey Itoobiya iyadu ka heleysaa oo uu qabiilkaasi iyada siinayaa?
Warsame Gaabane(Wadaad yare)
Wadaadyare09@gmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!