Holland oo laga dalbaday inaysan qaxootiga Soomaaliyeed dalka kusoo celin

22/02/2013

.


Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka dalbatay dawlada Holland inay ka laabato go’aanka ah inay dib u soo celiso dadka Soomaaliyeed ee wadankeeda ku nool.
 
Hadal Human Rights Watch kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in xilligaan aysan suurta gal aheyn in dadka Soomaaliyeed ee Holland degen dalka dib loogu soo celiyo gaar ahaan gobolada ku yaala koofurta oo ay caasimadu ku jirto sababo la xariira amaanka oo williu aan daganeyn.
 
Hay’adda waxaa ay sheegtay in dawlada Holland looga baahanyahay inay  xaq dhawrto sharciga caalamiga ah ee ee dhawraya xaquuqda xaqootiga waxaana warka ay Humar Rights soo saartay ku sheegtay in haddii Soomaalida dalka lagu soo celiyo ay wajihi karayaan dhibaatoonyin amni.
 
Gerry Simpson, oo ah madaxa cilmibaarista arrimaha qaxootiga ee Huan Rights ayaa sheegay in dawlada Hollaand aan loo fadhin xilligaan inay go’aankeeda ku dhaqaaqdo marka dhawr dhinac laga eego waxaana uu intaa raaciyay in willi qeybo ka mid ah gobolada koofurta Soomaaliya ku yaala ay adag tahay in dada lagu celiyo.
 
Madaxda dawlada Holand ayaa dhawaan shaaciyay inay dalka kusoo  celinayaan qaxooti Soomaali ah oo loo diiday in magangalyo dalkaasi laga siiyo.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com