Guddoomiyaha Wadajir : " Shacabka degmada Wadajir waxaan ku ammaanayaa sida ay ciidamada ugala shaqeynayaan.."

22/02/2013

.


Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci)  Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa ka warbixiyay xaaladda nabadgelyo ee degmadaasi, isagoo sheegay in ciidamada amniga degmada ay bilaabeen xoojinta nabadgelyada xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi.
 
 
Gudoomiyaha waxa  uu sheegay in ciidamada ammaanka iyo dadweynaha degmada ay ka dhaxeyso wada shaqeyn xoogan, taasi oo suuragelisay in gacanta lagu soo dhigo kooxo isugu jira kuwo la shaqeeya argagixisada iyo kuwo dembiyo kale galay.
 
"Shacabka degmada Wadajir waxaan ku ammaanayaa sida ay ciidamada ugala shaqeynayaan xagga nabadgelyada, waxaana ku boorinayaa inay door muuqda ka ciyaaraan sidii degmadaan u noqon lahayd degmo nabadgelyo" ayuu yiri Axmed Daaci oo sheegay in isbedel lagu sameeyay howlgalada lagu ilaalinayo nabadgelyada degmada.
 
Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa farriin u diray shacabka degmada Wadajir , isagoona ku booriyay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada nabadgelyada, waayo buu yiri degmada oo nabad noqota waxay dan ugu jirtaa shacabka iyo maamulka.
 
"Ciidamada nabadgelyada degmada Wadajir waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay u baacsan lahaayeen kooxaha dilalka qorsheysan ka geysanaya degmada" ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Wadajir oo sheegay dhinaca kale inay jiraan dhallinyaro looga shakiyay inay Shabaab ka tirsan yihiin oo baaritaano ay ku socdaan.
 
Degmada Wadajir oo labadii sano ee u dambeysay noqotay goob dadka lagu khaarajiyo gaar ahaan weriyeyaasha ayaa iminka u muuqata mid ka soo kabsaneysa arrimahaasi, wuxuuna Guddoomiyuhu tilmaamay in howlgallo habeen iyo maalin ah ay ka wadaan degmada.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com