Mucamar Al-Qadafi oo la sheegay inuu taageero Milateri iyo mid dhaqaale inuu siin jiray Al-Shabaab.

22/02/2013

.


Sida lagu qoray wargeyska Asharqal Awsad oo ka soo baxa magaalada London Madaxweynihii hore ee dalka Libya Korneyl Mucamar Al-Qadafi ayaa la ogaaday inuu taageero dhinacyo badan leh siin jiray ururo hubeysan oo ay ka mid tahay Xarakadda Al-Shabab.

 

 
Wargeyska oo sheegay inuu helay qoraalo sir ah oo muujinayo in Qadafi intii uu hayay xilka madaxtinimada Libya inuu si buuxda u taageeri jiray kooxo hubeysan oo ka dagaalama wadamo ay ka mid yihiin  Soomaaliya, Yemen iyo Ciraaq.
 
Xarakadda Al-Shabab ayaa qoraaladaani sheegayaan inuu ku taageeri jiray tababarada dagaalamayaashooda , hubeynta iyo dhaqaalo fara badan oo uu siin jiray.
 
Wargeyska oo qoraaladaan uu helay sii tiox raacaya ayaa ku waramaya in Mucamar Al-Qadafi uu tababarida ragga u dagaalama Xarakadda Al-Shabab ku bixiyay lacag lagu qiyaasay 10 million oo Dollar ka Maraykanka ah iyadoona tababarida kunkii dagaalame oo Shababab ahna uu ku bixiytay lacag dhan 7.5 million oo Dollar.
 
Warbixinta uu wargeyskaani qoray waxaa sidoo kale lagu sheegay in Qadafi uu aad uga shaqeyn jiray isku xirka Al-Qacidada Soomaaliyya iyo kuwa gacanbka Cadan ee dalka Yemen ka dagaalama dhawr jeerna uu inta hub ka qaaday Soomaaliya uu geeyay Yemen kadibna loo sii gudbiyay dalka boqortooyadda Sacuudiga oo Yemen ay daris yihiin.
 
Qoraalkaan uu daabacay wargeyska Asharqal Awsad ayaa si buuxda u muujinaya in M/weynihii la dilay ee Libya uu si weyn ugu lug lahaa dagaaladii Soomaaliya ka dhacay ee dhex marayay dawlada Soomaaliya oo garabsanaysa ciidamada AMISOM iyo Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida bah wadaag la ah.
 
Dhawr jeer ayaa la sheegay in Al-Shabab oo ay ajaanib ka bar bar dagaalanto ay taageero ka helaan qaar ka mid ah dawladaha dunnidaan ku yaala.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com