Hay ' dda isku tagga saxafiyiiyinta dunnida IFJ oo dawladda ka dalbatay joojinta sharciga saxaafadda.

21/02/2013

.


War saxaafadeed kasoo baxay hay’dda isku tagga saxafiyiiyinta dunnida ee IFJ magaceeda loo soo gabiyo ayaa waxaa ay dawlada soomaaliya ka dalbadeen inay deg deg uga laabato qorshaha ay ku dhaqan galinayso sharciga saxaafadda.

 
Warka IFJ ayaa waxaa y sheegtay in sharciga hadda loo qeybiyay saxaafadda Soomaalida oo ah midkii la diyaariyay sanadkii 2007 uu yahay caqabad ku noqonaya saxaafadda iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.
 
Gudoomiyaha hay’adda IFJ Jim Boumelha ayuaa sheegay in sharcigaan hadda la doonayo in la meel mariyo uu yahay mid madaxda dawlada ay saxaafadda iyo saxafiyiintu u adeegsadaan marka ay doonayaan inay caburiyaan.
 
Jim Boumelha waxaa uu xusay inay dawlada Soomaaliya ka dalbanayaan inay dhawrto xorriyadda hadalka oo aysan xilligaan ka shaqeyn cabtin iyo dhibaateyn dhanka warbaahinta ah sida uu yiri.
 
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa dhawaan u qeybisay qeybaha warbaahinta madaxa banaan nuqulo sharciga saxaafadda ee la sameeyay 2007.  
 
Soomaali oo ka mid ah wadamada ay sida weyn saxaafadda madaxa banaan uga hano qaaday sanadihii dambe ayaa haddana safka hore uga jira wadamada ugu badan ee saxafiyiinta lagu dhibaateeyo.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com