Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu maxkamadeeyay Maxkamad ku taala dalka Maraykanka.

21/02/2013

.


Dhalinyaro  Soomaaliyeed oo lagu tuhunsanyahay inay ka tirsan yihiin kooxahada burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa maanta ka bilaabanaysa dalka Maraykanka.
 
dhalinyarada  loo haysto  inay burcad badeed yihiin oo ay gacanta ku dhigeen ciidamo saaran marakab dagaal  oo Maraykanku leeyahay qeybna ka ah howgalka la dagalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Norfolk.
 
Dacwad oogayaasha maxkamada ayaa shegay in kooxdaasi burcad badeeda Soomaalida ah ay si qaldan rasaas ku rideen markab nooca dagaalka ah oo Maraykanka laga leeyahay oo ay doonayeen in ay afduubtaan xilli uu marayay gacan biyoodka Cadan .
 
Dhalinyaradaan Soomaalida ah oo tiradooda garayso 5 ruux ayaa dacwad oogayaashui waxay leeyihiin xukuno adag oo mid 30 sano ah ayay mudan doonaan haddii dambiga uu ku cadaado. 
 
Maxkamadeyntani dhalinyaradaan Soomaaliyeed ayaa la filayay in ay dhacdo sanadkii hore ee 2012 balse maxakamad ayaa dalbatay cadeymo dhowr ah oo maxkamada la horkeeno. 
 
Dhawr jeer ayaa maxkamadaha Maraykanka la hor keenay dhalinyaro Soomaaliyeed oo burcad badeednimo loo haysto
 


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com