Hilowga Lamaanaha kala fog oo Daawo Fiican loo helay- YAAB

21/02/2013

3


Hadii Seygaagu (Ninkaaga) uu kaa fogyahay, adiguna aad ka baqanayso inaad u adkeysan waydo fogaanshahaas iyo hilowga daran ee aad dareemi doonto, isla markaana aad dooneyso inaad niyad sami iyo farxad ku joogto, arrintani waxay noqotay mid aad u sahlan, ka gadaal markii Culimo Jaamacadda Oxford ee Britain ka tirsan ay Cilmi-baaris ku heleen Kaniini lagu dawaynayo Jacaylka iyo Hilowga uu Qalbigu dareemayo marka Labada Lamaane ay kala dheeraadaan.

Laba Dhaqtar oo lagu kala magacaabo An Andres Sandberg iyo Jolian Safolisko ayaa Cilmi-baaris ku sameeyay arrintan. Waxaana sida lagasoo xigtay Wargeysa Al-Bayaan ee Imaaraadka kasoo baxa ay Dhaqaatiirtani falan-qeeyeen suurtagalnimada in Labada Ruux ee Lamaanaha ahi ay awoodi karaan u dul qaadashada kala fogaanshahooda.

Cilmi-baaristu waxay sheegtay in Lamaanuhu ay awoodi karaan inay yareeyaan Hilowga ay isu qabaan oo dhan kastaba leh marka ay dhowr jeer Kabadaan ama liqaan Hormoon-ka loo yaqaan oxytocin iyo Fasobriristin oo labaduba mas'uul ka ah Jeceylka daran iyo Hilowga Lamaanuhu ay isu qaadaan sida Warbixinta lagu xusay.

Tijaabo Caafimaad oo lagu sameeyay Laba Jiir (Dooli) ayaa lagusoo xaqiijiyay Cilmi-baaristan. Waxaana Jiirku ay ahaayeen kuwo la kala fogeeyay isla markaana lagu tijaabiyay Dawooyinkaan si loo ogaado inaanay wax Hilow ah isu qaadeyn.

Dawooyinku ma laha sida Warbixintu ay sheegtay wax Saamayn ah (Side effect), sidoo kalena waxaa laga yaabaa inay hagaajiyaan Dheecaanada Kiimikeed ee Maskaxda ku jira.

Hase yeeshee Raadka ay Dawooyinku reebayaan waa kuwo waqti kooban ku siman sida Culimada soo saartay lagasoo xigtay. Waxaase adeegsigooda uu ku xiranyahay baa la yiri go'aan adag oo marka hore Labada Lamaane ay qaataan si ay uga taqalusaan Hilowga iyo Jeceylka dhexdooda ah.


Xigasho:


http://www.al-iklim.com/_article.php?article_id=84418&sub_category_id=69&category_id=1



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com