Ictisaamku ma u baahanyihiin iney dib u eegis ku sameeyaan manhajkooda

21/02/2013

N.1


 Ictisaamku ma u baahanyihiin iney dib u eegis ku sameeyaan manhajkooda?

 

 

Jamaacada Ictisaamka iyo Shabaabku markii hore xagga manhajka fikrigaa iyo wasiilada loo marayo isku aragti ayey ka ahaayeen calal mustawa nadari(theoretically). Markii hir gelintii lasoo gaarey ayey kala hareen.

Waxey wada aamminsanaayeen:

1. In raadinta dowlad islaami ah ama khilaafo ah lagu raadiyo jihaad, ciddii ka hor timaadda arrintaasna xoog looga leexiyo waddada.

2. Waxey ka mideysnaayeen masaa,il wax lagu takfiiriyo oo aysan la wadaagin muslimiinta kale badankoodu. Sida iney gaalnimo tahey dasaatiirta iyo qawaaniinta wadcigaa oo dowladaha casrigaa ku shaqeeyaan iyo in tabaruka iyo istighaathada anbiyada iyo saalixiinta  suufiyadu caanka ku tahey uu yahey kufri diinta looga baxo bixaddi thaatihaa.

 

Ma loogu cudur daarayaa jahli mise looguma cudur daarayo waa arrin qiimeyn ku xirane ma ahan arrin leh macno weyn, mar haddii qofkii weli u yeerta iyo kii aamminsan in asnaamtii Qureysheed ilaahyo yihiin ay isku mid yihiin. Iyo in dastuurka wadcigaa oo ah heshiis bulsho uu yahey isku dhererin Ilaahey la isku dhereriyo oo ay tahey gaalnimo iyo ilaah sheegasho!

3. Manaahijtaas kutubta ay ka aqristaan way ka mideysanyihiin sida kutubtii Muxamed Cabdul Wahaab iyo kuwii Sayid Qudub iyo Abul Aclal mowduudi iyo xertoodi.

Waxaad arkeysaa calal mustawa nadari wal manhaji ineysan jirin wax cad oo ay ku kala baddalanyihiin oon ka aheyn tafsiil gelin, qiil raadin iyo la jiifiyaana bannaan ay Ictisaamku sameynayaan si ay iskaga fogeeyaan Shabaabka.

Calal mustawa tadbiiqi(dhaqan gelinta) ayey ku kala tageen labadoodu.

Ightiyaalaatka Shabaabku dadka la beegsanayaan iyo qaraxyadu waxey kasoo jeedaan labadooduba wasiilada cunfigaa oo ay wada aamminsanyihiin labada kooxood iney tahey dariiq mashruuc ah oo lagu raadiyo khilaafah islaamiyah. Marka waxa kaliya oo Ictisaamku ku dhalliili karaan Shabaabka waa iney si xun u hirgeliyeen manhajkii saxda ahaa (suu,u tadbiiq) ee manhaj ma ahan.

 

Dadkii ugu horreeyey oo Shabaabku khaarajiyeen ama Itixaadku iyo Sh.C/Qaadir raxmatullaahi caleyhi isku hal manhaj ayaa lagu diley.

Doktor Cabdul Qaadir Yaxye raximahullaah oo Dayniile lagu diley, dadkii diley waxey si qarsoodi ah usoo abaabuleen shirqoolkaas iyagoo u arkayey inuu ahaa cadow islaamku leeyahey, waxeyna dad kooban u sheegeen inuu CIA u shaqeynayey! Hadalkaas oo shaa,ico(kuturi kuteen) ah ayaan meelaha ka maqalney,laakiin ma jirto wax caddeyn ah oo publicka loo soo bandhigey, xataa si publick ah looma sheegan.

Sidaas waxaa lagu dili karaa caalimka ugu weyn soomaaliya.Already horteenna ayaa lagu diley. Waxey kaliya oo ku xirantahey in dadkaas isku xil qaamey iney khilaafada soo celiyaan u arkaan inuu hadafkooda khatar ku yahey.

Ma aragtaa marka hadafka iyo wasiiladuba sida ay halis u yihiin?

Maxaad haddaba ku hadleysaa haddaad labadaasba sidaas u aaminsantahey haddii sharicigaad dejisey adiga lagugu qaado?

Markaan leennahey Ictisaamku muraajacaat ha sameeyeen waxaas halistaa ayaan aragnaa. Laakiin aad bay iskula saxanyihiin oo in fikirkoodu kaamil yahey oo uusan wax ka baddalid u baahneyn ayey aaminsanyihiin sida ka muuqata.

 

Ujeedkeygu marna ma ahan inaan ku digto ama ku jees jeeso Ictisaamka ama aan colaad u qabo. Anigu maba qabo in dadkoo dhan laga dhigi karo hal koobbi xagga aragtida. Arrintaas in dadka hal koobbi laga dhigo ah waxaan u arkaa iney tahey aragti halis ah oo kaligi talisnimo ah. Waana midda haadaanta ka tuurtey kooxaha jihaadiyiinta isku sheega iyo Salafiyiinta guud ahaanba.

 

Laakiin iyadoo la kala aragti baddalanyahey in si nabad gelyaa lagu wada noolaado oo wixii xukun ahna si nabad gelyaa oo loo dhanyahey lagu gaaro ayaan qabaa. Aragtida aan ku dhalliilayo Ictisaamka waxey tahey aragtida Shabaabka ka dhigtey sida ay hadda yihiin oon lagu wada noolaan karin.

 

Ictisaamku waxaan qabaa iney ku qasbanyihiin iney hadafka khilaafo raadintaa iyo wasiilada oo xoog loo maro ay ku qasbanyihiin iney wax ka baddalaan. Ugu yaraan xoogga iney meesha ka saaraan oo is qancin iyo raalli ahaansho bulsho u maraan.

 

Midda waxa ay gaalnimo u arkaan waa arrin laga doodi karo haddey ka haraan hannaanka cunfigaa. Mar haddaadan xoog u isticmaaleyn inaad aragtidaada diineed igu qasabto xor ayaad u tahey inaad aamminto waxaad doonto. Laakiin maalintaad xoog isticmaasho xadkaagi waad kasoo tallaabtey oo keygi ayaad soo gashey,meeshaasna isku dhaca Shabaab iyo ummadda kala heysta ayaa ka qarxaya.

 

Islaamkaa sidaas qaba aniguna islaamkaan fulinayaa adigana sidaan islaamka u arko ayaan kugu qasbayaa waa waxa Shabaabku eedey laguna eedey. Islaamka sida adigu aad u aragto adigu lafahaaga ugu dhaqan, aniguna sidaan u arko lafaheygaan ugu dhaqmayaa. Wixii naga dhaxeeya sida xukunka iwm waa heshiis bulsho.

 

Warsame Gaabane

Wadaadyare09@gmail.com

 

 



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com