Ciidamada AMISOM oo Gaadiidkooda Gaashaaman ku dilay Askari Soomaali ah

21/02/2013

By: Mohamed


Sida lagasoo xigtay Ilo-wareed Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka tirsan, waxaa dhintay Askari Ciidamada Dowladda ka mid ah, ka gadaal markii Gaari kuwa Gaashaaman ee ay AMISOM leeyihiin ah uu jiiray Askarigaas.

Sarkaal lagu magacaabo Hilowle Ciise oo Ciidamada Soomaaliyeed ka tirsan ayaa Raadiyaha Dowladda u sheegay in Shilku uu ka dhacay Deegaanka Calamada oo Gobalka Shabeelaha Hoose ku yaala.

Askariga Gaariga lagu jiiray waxaa Magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaam Sheikh Maxamuud Hilowle.

Ciidamada Gaariga watay ee AMISOM ka tirsan ayaa sida Warka lagu sheegay waxay ahaayeen kuwo Dalka Burundi u dhashay.

Gaadiidka AMISOM ee Qafilan waxay dhowr jeer Goobaha ay ku suganyihiin ee Dalka ka tirsan ku dileen Shacab isugu jira Caruur yar yar iyo Dad waawayn.

Gaadiidkani inta badan Xawaare aad u dheer ayeey ku socdaan marka ay Wadooyinka marayaan iyagoo ka baqanaya Miinooyinka ay Xoogagga ka horjeeda Jidadka ku aasaan ama Weerarro kale.

 



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com