Muqdisho: Askar Dowladda ka tirsan oo Xukun Toogasho ah lagu fuliyay

21/02/2013

By: Mohamed


Illaa Saddex Askari oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa Xukun Toogasho ah lagu fuliyay, ka gadaal markii ay Maxkamadda Ciidamadu Xukunkaasi ridday.

Askarta ayaa Saaka lagu toogtay Dugsiga Booliska ee Jeneraal Kaahiye oo Muqdisho ku yaala, halkaas oo Saraakiil Ciidamada ka tirsani ay goob joog ku ahaayeen.

Sida lagasoo xigtay Ilo wareed Maxkamadda Ciidamada ku dhaw, Askari ka mida Saddexda  la toogtay ayaa ku eedeysnaa Dilka Askari kale oo Ciidamada Dowladda ka tirsan, halka Labada kalena ay lagu eedeeyay inay Dad rayid ah ku dileen Xaafadda Sayidka oo Muqdisho ka tirsan.

Maxkamadda Ciidamadu dhowr jeer ayeey Xukunno kala duwan ku riday Askar Dambiyo lagu eedeeyay. Xukunada ceynkaas ahna si wayn ayeey Dad badani usoo dhaweeyeen iyagoo u arkaya kuwo yaraynaya dhibaatada lagu eedeeyo inay Ciidamadu Shacabka kula kacaan.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com