FIIRSO Muuqaal ku saabsan Beesha Daarood oo sheeg- tay in ay Beesha Hawiye ka aargudan doonaan

10/02/2013

.


Qaar ka mida Qurba joogta Beelaha Daarood oo sheegay inuu Hawiye Xasuuqay haddana ay ka aargoosan doonaan maxay tahay sababtu.

Halkan ka Daawo. Muuqaalka halkan kaaga muuqda waxaad ka dheehan kartaa, Rag iyo Dumar Soomaaliyeed oo u shirey si beelnimo ah, haba u shiraan beelnimo ee waxaa kaaga muuqda sawirka ay bixinayaan inuu yahay 1991dii wixii Soomaaliya ka dhacay inay hal beel Masuuliyadeeda lahayd , beelaha kale ee Soomaaliyeedna ay ahaayeen kuwa la dulmiyey.

Muuqaalkan oo wax dhimaale iyo aflagaado badan ku jirto dad nool iyo dad dhintayba ayaa ah mid ka turjumaya dareenka beesha ku hadlaysa codkooda iyaga oo aan qarinayn magaca beeshooda iyo beesha ay doonayaan inay ka aargoostaan.

Haddaba maanta oo 22 sano Soomaali dowladnimo raadinaysay markii dowladdii Soomaaliya caalamku aqoonsaday taageerana ugu baaqay maxaa sababay, reer hebel baa na laayey iyo guri baa nalaga haystaa iyo waa nala xasuuqay, Shalay maxaa looga hadli waayey markii shirarka dib u heshiisiinta iyo masaalixdu socotay ?

Bal adba Aqristoow is weydii, Goorma ayay Soomaali rageedii iyo dumarkeedii haddey sidan u dhaqamayaaan la heshiin doonaa? Ma tahay maanta maalin lagu baaqo ama loo hadlo beel ahaan, ma qarankii dumay ayaa la raadinayey mise Qabiilkii ina dhammeeyey?

 



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com