Dalka Soomaaliya oo ku socda Tubtii uu kusoo ceshanayay Qaranimadiisa (Warbixin)
By: Mohamed
|
Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Dal dhanka dhismaha Maamulka ka ah mid madax-banaan. Laakin Labaatankii Sano ee lasoo dhaafay waxay Dowladnimada Soomaaliyeed ahayd mid burburtay, taas oo sababteeduna ay ahayd Dagaalada iyo kala qaybsanaanta Soomaalida dhexdeeda ka jirtay. Waxayna xaaladahaasi wax aan suurtoobeyn ka dhigayeen in lagu fikiro helitaanka Madax-banaani iyo Qaranimo uu dalku yeesho.
Beesha Caalamka oo ahayd dhinaca kale ee xaaladda Soomaaliya kor kala socday ayaa wuxuu u dhaqaaqay sidii loosoo celin lahaa Dowladnimadii rasmiga ahayd ee uu Dalku lahaa. Waxaana lasoo diray Ciidamo Afrikaan ah si ay Amniga uga caawiyaan Dalka.
Sanadkii hore, waxaa lagu guuleystay in la dhiso Baarlamaan cusub, sidoo kalena la ansixiyo Dastuur oo hadana la doorto Madaxweyne. Wuxuuna Xassan Sheikh noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee gudaha dalka lagu doorto si uu u hogaamiyo dowlad Rasmi ah oo Dalka ka hana-qaadda ka dib 1991-kii oo ahayd markii ay dhacday Dowladdii Milatariga.
Arrinta soo jiidashada leh waxay ahayd Booqashadii dhawayd ee uu Madaxweyne Xassan ku tagay Mareykanka, taas oo laga dhaxlay Aqoonsiga ay Soomaaliya ka doonaysay Mareykanka.
Aqoonsiga rasmiga ah ee ay Dowladda Madaxweyne Barack Obama siisay Soomaaliya wuxuu ka dhigay Dad badan oo Soomaaliyeed kuwo rajo wanaagsan ka qaba in Dowladoodu ay noqonayso mid matasha Dal mideysan oo Kalsoonida Shacabkoo dhamina heysata.
Dadka indha indheeya arrimaha Soomaaliya ayaa riyaaq dareemaya marka ay maqleen labada Eray ee kala ah Madax-banaani iyo Soomaaliya. Labadaasibana waxaa ku dhawaqaysay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Heliry Clinton, taasi oo ku dhawaaqday Aqoonsiga ay Dowladeedu siisay Soomaaliya.
Clinton waxay furtay Bog cusub oo Xiriirka Dalkeeda iyo Soomaaliya ka dhexeeya ah. Fursadaasina waxay Soomaali badan rajo ka qabaan inay sii sahli doonto in Dalal kale oo Reer Galbeed ah ay iyaguna sidaas oo kale Soomaaliya iyo dowladnimadeedaba u aqoonsadaan.
Aqoonsigana waxaa kale oo loo arkayaa mid ka dhashay isbedel Siyaasadeed oo sugan, kaas oo gudaha Soomaaliya ka hana-qaaday isla markaana sare u qaaday rajada Shacabka Soomaaliyeed iyo niyad wanaag ku wajahan Dowladda Mareykanka.
Mas'uuliyad laba dhinac ah aya Soomaaliya iyo Mareykankaba hortaala ka dib Aqoonsiga iminka ay Dowladda Washington siisay Mogadishu. Mas'uuliyadaasuna waxay ka bilaabanaysaa wada xaajood ay Labada Wadan ka yeelanayaan arrimo ay ku jirto Dagaalka ka dhanka ah Alshabab.
Waxaa qasab noqonaya in maskaxda lagu hayo arrimaha ay ka midka yihiin Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn, Dayuuradaha Sirdoonka ee Hawada Soomaaliya dul heehaabayay mudadaba iyo Howlgalada Sirdoon ee Dhulka Soomaaliya laga fuliyo. Waxaana loo baahnaanayaa in dhamaan tallaabooyinka ogolaansho looga helo Dowladda Soomaaliyeed.
sidoo kale waa lagama maarmaan in la helo heshiis loo kaashanayo micneynta dhabta ah ee laga bixinayo howlgalada Mareykanku uu ka sameeyo gudaha Soomaaliya, si loo dhowro Nabadgaliyada Muwaadiniinta Rayidka ah isla markaana la fududeeyo Duqeymaha culus ee waqtiyada Habeenadii ah ay Dayuuradaha Mareykanku fuliyaan, kuwaas oo bulshada dhibaato ku ah Bulshada Soomaaliyeed ee horayba Dagaalada ugu dhib qabay.
Waxaa kale oo iyana Heshiis laga gaarayaa sida loo badbaadin karo Maraakiibta Caalamiga ah ee Shixnadaha sida oo mara Xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kalena is-afgaradku uu taaban doono iskaashi labada dhinac ay ka samaynayaan sidii loo horumarin lahaa Goobaha Xeebaha ku yaala iyadoo laga doonayo in la furo Warshado Kaluunka lagu sameeyo si looga taqaluso Burcad-badeednimada iyo falalka kale ee dambiyada ah oo Badaha dhexdooda laga sameeyo.
Waxaa hubaal ah in dib u bilaabashada Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu labada dhinacba u fududeyn doono inay soo cehstaan Hantidii ay lahaayeen ee looga tagay Labada dalba. Tanina waxay dhiirigalinaysaa ku dhawaad 200 Kun oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo haatan ku nool mareykanka isla markaana doonaya inay Maal-gashi iyo Safaraba ugu kala gooshaan Labada Dal.
Waxaase loo baahanyahay in Aqoonsiga ay Dalalka Galbeedku siinayaan Soomaaliya uu noqdo mid ku filan bad-baadinta Soomaaliya si looga siraad koro Fashilka dowladeed ee uu Dalku mudada kusoo jiray. Waxaana markaas ka dib muhiim ah in la helo horumar deg deg ah oo dhinacyada kala duwan ee Dalka muhiimka u ah laga gaaro.
Arrimaha muhiimka ah waxaa ku jira dib usoo celinta Dhismaha Ciidamada Milatariga iyo Booliska iyo waliba Ilaalada Xeebaha. Sidoo kalena waxaa loo baahanyahay soo celinta Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Dalku uu leeyahay. Waxaa iyadana aad loo tabayaa in Dalalka kaalmaynaya Soomaaliya ay ka caawiyaan sidii Ciidamada Wadanku leeyahay loo dhisi lahaa, intii lagu caawin lahaa Ciidamo shisheeye oo amniga suga.
Dowladda Soomaaliya, waxaa dhankeeda looga fadhiyaa inay furto Wada hadalo ay Shacabkeeda la yeelanayso, iyadoo kala hadlaysa arrimaha la xiriira rabitaanka ay Deegaanada qaar qabaan sida Somaliland iyo Puntiland oo Maamullo gooni ah iminka ay ka jiraan.
Waxaa intaas dheer, in ay aad u haboontahay sidii looga dhamaan lahaa Sumcad xumada Soomaaliya mudada laga faafinayay, taasna waxaa loo marayaa in la sameeyo Qawaaniin adag, Akhlaaq, iyo Nidaam horseedaya in Ciidamada loo qoro dad ku haboon isla markaana Askarta la siiyo Mushaaraad ku filan. Madaxweynahana waxaa waajib ku ah inuu u shaqeeyo sidii loogu dhaqmi lahaa Dastuurka Dalka u dagsan.
Xigasho:
http://www.emaratalyoum.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!