Soomaaliya oo dhinaca Caafimaadka kasoo hagaagaysa xasiloonida ka dib (Warbixin)

09/02/2013

By: Mohamed


Dalka Jaad ayaa ku jira Kaalimaha ugu sareeya ee Nafaqa darada marka la eego Gobalka Xeebta iyo Galbeedka Afrika. Waxaase aad usoo hagaagaya Amniga Soomaaliya, ka gadaal markii ay dib u gurteen Maliishiyaadka Alshabab oo isaga baxay Magaalooyinka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hay'adaha Gargaarka ayaa xoojiyay adeegyadii Caafimaad ee ay ka samayn jireen Deegaano badan oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana suurtagashay in la gaaro goobihii ay tagitaankoodu horay adkeyd.

Cumar Saalax, waa Isku-duwaha Xaaladaha Deg-dega ah u qaabilsan Ururka Caafimaadka Aduunka. Wuxuu la hadlay Shabakadda Wararka Arrimaha Bani'aadaminimada ee Irin.

Cumar oo hadlaya ayaa yidhi " Soomaaliya waxaa ka jira horumar arrimaha Aadamiga ah. Ururada Bani'aadaminimada ka shaqeeya waxaa u fududaatay inay Kaalmooyin Caafimaad oo badan gaarsiiyaan Muwaadiniin markii hore in loo tago ay adkayd".


Waxaa kale oo suurtashay in la diiwaangaliyo Xaaladaha Caafimaad daro iyo Cudurada dilaaca. Taasina waxay dhankeeda ka fududeysay in la ogaato Xaaladaha Cudurada Faafay ee suurtagalka ah iyo sida loola tacaamulayo oo tallaabooyin munaasab ah looga qaadanayo in lagasii baaraan dago.

Sanadkii 2012-ka, waxaa la dhisay illaa Sideed Cisbitaal, kuwaas oo laga hirgaliyay Gobalada Bakol, Jubada Hoose, Gedo iyo Galgaduud. Goobahaasna waxaa lagu sameeyay Qaliimo Caafimaad, Dhalinta Hooyooyin Uur leh iyo howllo kale.

Goobaha Caafimaad ee dhawaan la sameeyay waxay u adeegaan ku dhawaad Milyan ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Alshabab waxay markii hore xayiraad saari jirtay Gargaarka Bani'aadaminimo ee la keenayo Deegaanada ay Kooxdu ka talinaysay. Waxaase taas meesha ka saaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo gacanta ku dhigay Goobo badan oo ay Kooxdu ka talin jirtay Daba-yaaqadii 2012-ka.

Waxaa kale oo hoos u dhacay Weerarada lagu qaadi jiray Shaqaalaha Gargaarka sida lagu cadeeyay Warbixin kasoo baxday Xafiiska isku duwista arrimaha Aadaminimo ee Qaramada Midoobay OCH, Bishii January ee tagtay.

Hay'adaha Gargaarku waxay awood u heleen inay gaaraan Goobo ay ku noolyihiin Dad ka cabanayay Adeegyada Caafimaadka oo gabaabsi ku ahaa.

Intii u dhexeysay 2008-da iyo 2012-ka,waxaa fursad Quudin ah seegay ku dhawaad 800,000 oo Caruur Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ku noolaa Goobaha aanay Hay'aduhu gaari jirin Xilligaas. Waxayna Quudis la'aantaasi sababtay inay Caruurtu halis u galaan Cuduro dilaa ah.

Waxaa jirta baahi daran oo loo qabo inay dad aad u badan oo Miyiga ku nooli helaan Kaalmo Caafimaad iyo Gargaar Bani'aadaminimo. Waxaana taas ugu wacan Magaalooyinka ay Muqdisho ku jirto oo iyagu ah goobo aad loo daneeyo, halka Miyiguna aanay wax badan oo danayn ah helin.

Waqtigii u dhexeeyay 14-16 January 2013-ka, Waxay Hay'adaha Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Wakaaladaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka sida WHO iyo UNICEF iska kaashadeen quudinta ku dhawaad 17,000 oo Caruur Soomaaliyeed ah, kuwaas oo loogu dadaalay Daawooyin ka hortagaya Cuduro ay Jadeecadu ku jirto. Caruurtaasina waxay ku noolaayeen Kismaayo oo ahayd Saldhigii ugu waynaa uguna dambeeyay ee Alshabab laga qabsado.

December, 2012-ka waxaa la bilaabay Olole Gargaar Caafimaad iyo Quudinba lagu siinayay 275000 oo Caruur Soomaaliyeed ah, kuwaas oo Da'doodu ay ka yarayd 5 Sano. Sidoo kale Ololahaas waxaa ka faa'ideystay 394,000 oo Hooyooyin ku jiray Waqtiga Dhalmada. Dadkaasina waxay ku noolaayeen illaa 26 Goobood iyo Xerooyin Barakacayaashu ku noolyihiin.

Qiyaasta ay samaynayso Hay'adda WHO ayaa waxay tilmaamaysaa in 215,000 oo Caruur Soomaaliyeed ah ay la daalaa-dhacayaan Nafaqa Daro, isla markaana ay halis ugu jiraan inay xaaladoodu sii darsato, iyagoo u baahan gargaar Caafimaad oo deg deg ah.

Khubaradu waxay leeyihiinn, wali waxaa jirta baahi wayn oo ay Dadka Reer Miyiga ahi u qabaan Gargaar Caafimaad.

Saalax oo Isku-duwaha arrimaha Deg-dega ah ee Xafiiska WHO u qaabilsan Soomaaliya ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi " Waxaa jirta Baahi loo qabo inay dad badan oo Baadiyaha ku nooli helaan Gargaar Caafimaad iyo Adeegyo kale oo Bani'aadaminimo, maxaa yeelay Muqdisho iyo goobaha kale ee Magaalooyinka ah waxay noqdeen goobo si wayn loo danaynayo illaa iyo iminka"

Amniga ayaa wali caqabad ku ah dadaalada lagu doonayo in Gargaar loogu fidiyo Dadka u baahan, kuwaas oo noocyo kala duwan oo Gargaar ah baahi wayn u qaba.

Inkasta oo guulo badan laga gaaray Soomaaliya, hadana xaqiijin wax-tar leh oo dhinaca Bani'aadaminimada laga gaaro ayaa wali ah mid aad u culus.

Amniga oo wali khatar kala kulmaya kala qaybsanaanta Qabiileed ee Soomaalida dhexdeeda ka jirta iyo loolanka meelaha qaar ka jira ayaa iyagu qayb wayn ka qaadanaya inay sii xoojiyaan cabsida laga qabo karo in Barakacu uu mar kale dhaco isla markaana la wiiqo Wadooyinka ay Dadku ugu dhaqaaqi karaan raadinta Noloshooda caadiga ah.

Warbixinada kasoo baxay Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani'aadaminada ayaa lagu muujiyay in dhamaan waxyaabahaas carqaladaha ahi ay waxyeeleyn karaan dhaq-dhaqaaqyada Gargaarka loogu fidinayo dadka dhibaataysan ee Soomaaliya ku nool.

Xigasho:

http://www.alwatanvoice.com



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com