21 Arday Soomaaliyeed ah oo Shahaadada Master-ka ku qaatay Sudan

09/02/2013

By: Mohamed


Arday Soomaaliyeed ayaa Xaflad ku qabsaday Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan, kuwaas oo Shahaadada Master-ka ka qaatay Jaamacado Dalkaas ku yaala.

Ardaydan oo tiradoodu ay gaarayso 21 ayaa waxay mudo diyaarinayeen Shahaadada Master-ka oo ah Darajada Labaad ee Jaamacadda.

Xafladda qalinjabintooda waxaa kazoo qayb galay Mas’uuliyiin Safaaradda Soomaalida ka socotay, Arday kale oo Soomaaliyeed, Macalimiin iyo qaybo Jaaliyadda Soomaaliyeed ka socotay.

Hadalo ay ka qayb galayaasha qaarkood jeediyeen ayeey ku muujiyeen sida ay ugu riyaaqsanyihiin Munaasabadaas iyo guusha ay Ardayda Soomaalidu gaareen.

Dalka Sudan wuxuu ugu horeeyay Wadamada ay Ardayda ugu badan ee Soomaaliyeed Waxbarashada Heerarka kala duwan leh, gaar ahaanna Jaamacadda ka helaan Sanad kastaba.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com