Wasiirka wasaarrada arrrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka warbixiyay xaaladda Magaalada Baladweyne.

09/02/2013

.


 Wasiirka wasaarrada arrrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kadib booqaho labo cisho qaadatay oo uu ku joogay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in uu kulmo wada tashi ah kula soo yeeshay Baladweyne qeybaha bulshada.

 

Wasiirka oo uu la socday guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo horay u soo raacay wafdiga oo galinkii danbe ee shalay ka dhoofay magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in kulamii uu la qaatay qeybaha bulshada gobollka ka soo baxeen sida uu hadalka u dhigay qodobo muhiim ah, isaga oo sheegay in dhamaan qeybihii ay is arkeen u muujiyeen in isbadal oo baahan yahay.

 

‘’Qeybihii bulshada ee aan kulannay dhamaantood waxaa ay inoo muujiyeen in loo baahan yahay is badal, sidaa daraadeed waxaa dhisi doonaa maamul heer gobol ilaa degmo oo mudo lix bilood ah si ku-meel-gaar ah u sii maamula gobollka Hiiraan,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

 

Labadii cisho ee la soo dhaafnay waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ka socday  kulamo adag oo u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka beelaha gobollka iyo wasiirrka arrimaha gudaha oo uu wehliyay wasiirrka Kheraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed, waxaana muuqata in odayaashii ay is arkeen wasiirrka isku afgarteen in isbadal dhinac maamulka ah la sameeyo.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com