I xir ama I dil, Wallaahi ma aamusayo ! ! !
.
|
Ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed in saxafi lagu dilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha laga leeyahay dilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.
.jpg)
Tan iyo sanadkii 1991-kii, dilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray fowdo iyo burbur, waxaana guud ahaan dalka Soomaaliya wax iska caadi ah ka noqday dilalka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Wixii ka dambeeyay sanadkii 2007-dii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin kooxda Al-shabaab, walow dowladduba aysan ka marneyn dilalka iyo dhibaateynta wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay degaanno ka tirsan goobihii ay dowladdu xukumaysay, kuna awood badneyd, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.
Guud ahaan wariyeyaasha lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee burburku dalku ka jiray waxay gaarayaan 65 wariye oo 50-ka mid ah lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka 15-ka kalena lagu dilay gobollada kale ee dalka, wuxuuna sanadkii ugu dhiig qulqulka badnaa ee wariyeyaasha soo mara ahaa sanadkii tegay ee 2012-kii, markaasoo la dilay 18-wariye oo qaarkood hal goob lagu dilay, kuwo kalena la gowracay, tiiyoo aysan jirin cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay, hadal iyo cambaareyn mooyee.
Markii dowladdu ay ka baxday Kumeelgaarnimada, lana doortay madax cusub, isla markaana la wiiqay inta badan awooddii kooxda Al-shabaab dilalka wariyeyaasha waa ay soo yaraanayeen, waxaana sanadkan 2013-ka la dilay hal wariye oo kaliya, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha, balse markii dilalku ay yaraadeen oo la is yiri saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay bidhaaminayaan saxafiyiintu.
Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.
Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.
I DIL AMA I XABIS oo si kasta ii cabsi geli Wallaahi sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la’aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la dilo ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah meeqa wariyaa la dilay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso.
Cabsi gelinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku xambaari doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaanu rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.
Haddaba haddii la moodayo in wariye la dilay ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinku qaddiisu guri doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto, MARKA I DIL AMA I XABIS WALLAAHI MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.
Waxa Qoray: Saxafi sare,
C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!