WFP oo daboolka ka qaaday in Soomaali ka badan Hal Milyan oo ruux ay u baahan yihiin Gar gaar.

09/02/2013

.


Warbixin ay soo saartay Jimcihii shalay  Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa lagu  sheegay inay qorsheynayso in 1.6-milyan qof Soomaaliya ay caawinayso sannadkan cusub, waxayna Hay'addu sheegtay in dadkaasi intooda badan ay ku nool yihiin deegaanadu sShabaabku ka taliyaan.
 
Hay'adda WFP ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd bishii Ogoosto 2011-kii, xilligasa oo Soomaaliya ay ka dillaaceen abaaro dhaliyay macluul baahsan, waxayna sheegtayinay ku faraxsan tahay  inay dib howlaheeda caawinaadda ah uga billowdo magaalada Kismaayo. 
 
 
WFP  ayaa  muddo afar sano ka badan kadiba waxay fursad u heshay  inay dadka magaalada Kismaayo  ku nool ay gaarsiiso gargaar Bini'aadanimo, iyadoo Hay'addu sheegtay inay caawiyeen qoysas dhibaateysan oo ku nool Kismaayo.
 
Elizabeth Byrs waxay kaloo sheegtay  in mashaariicdooda Soomaaliya ay ka mid tahay in maalin walba ay raashin qalalan siiyaan dadka gargaarka deg-degga ah u baahan ee ku nool Magaaladaa  Kismaayo.
 
Dhinaca kale  Hay’adda WFP waxay codsatay lacag gaaraysa 57-Milyan oo doollar si ay ugu fuliso howlaheeda gargaar ee Soomaaliya lixda bilood ee soo socota, iyadoo Hay'addu ay ka baxday deeganada Shabaabku ka tilayaan, kadib markii hanjabaado ay kala kulantay kal hore.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com