Wardeg deg ah : Wariye ka tirsan Shabakada Shaaciye oo Gurigiisa Bam lagu weeraray

08/02/2013

.


 

Wardeg deg ah.Wariye ka tirsan Shabakada Shaaciye oo Gurigiisa Bam lagu weeraray.
Waxaa maanta bam Gacmeed lagu weeraray Guri uu deganaa, wariyaha Shabakada Shaaciye ee magaalada Muqdisho iyo Gobollada Koonfureed, Cabdale Maxamed Cabdi  ka dib koox ka tirsan Alshabaab markay Hanjabaad iyo Caga jugleyn dhawrjeer u direen ayaa waxaa weeraray, Kooxaha Nabad diidka ah.
Wariyaha ayaa telefoonkiisa loogu hanjabay loona sheegay in Shabakadaasi ka soo horjeedo hawlgallada Kooxda Shabaab , haddii uu ka tegi waayona la marin doono wadaddii ay mareen Wariyayaashii kale.
Wariyahan ayaa hore waxaa loogu weeraray Gurigiisa xaafadda Suuqa xoolaha oo lacag badan oo madax furasho lagu soo daayey 2009 xaaladda magaalada muqdisho ayaa sii adkaanaysa, iyadoo dhammaan wariyayaashii iyo saxaafiyiintii uga hayaameen waddamada deriska ah, sida Jabuti , Kenya , Uganda, iyo Itoobiya, taasna loo sababaynayo kooxda shabaab oo dishay, ugu yaraan sanadkan 18 wariye oo aan ilaa hadda la ogayn sababta ka danbaysay, dilalka iyo qaraxyada loo geeysto.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com