Wafdigii uu Hogaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dalka Dib ugu soo laabtay.

08/02/2013

.


Duhurnimadii maanta waxaa dalka dib ugu soo laabtay wafdigii uu hogaaminayay  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  dalka dib ugu soo laabtay,  kadib safarro uu ku tagay dalal dhowr ah.
 
 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa  waxey ka soo degeen duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo ay garoonka ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari,  saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyagu sitay boorar ay ku qornaayeen Madaxweyne soo dhawoow.
 
Madaxweynaha oo markii uu ka soo dagay garoonka Aadan Cadde kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay  in safarkan uu ku tagay dalal caalamka ka tirsan oo uu kala soo hadlay xiriirka ay Soomaaliya la yeelanayaan iyo sida ay u taageeri lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
 
"Waxaan dalalkii aan booqday ku soo arkay waxyaabo lagu farxo oo ah sida ay Soomaaliya ugu heelan yihiin" ayuu yiri Madaxweynaha oo la halaayay ragga wararka dira.
 
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha ayaa safar shaqo ku kala tegeen dalalka Itoobiya, Belgium, Uk iyo Qaahira halkaasi oo uu madaxweynuhu kaga qeybgalay shirar kala duwan kuwaasi oo arrimaha  Soomaaliyalooga hadlaayay.
 


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com