Madaxweyne Xassan oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar uga warbixiyay Xaaladaha Dalka+SAWIRO

08/02/2013

By: Mohamed


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar, isagoo uga warbixiyay Jaaliyadda arrimo badan oo Dalka Xaaladiisa quseeya.

Madaxweynaha ayaa maalmahan ku sugnaa Masar, wuxuuna halkaas kaga qayb galay Shirweynihii Dalalka Islaamka oo lasoo gaba gabeeyay.

Kulan ballaaran ayuu la qaatay Jaaliyadda, waxaana ku wehlinayay Kulankaas xubno ka tirsan Wafdiga markii horaba Masar la tagay Madaxweynaha oo ay ku jiraan Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xassan ayaa Jaaliyadda ugaga waramay horumarka ka jira Dalka iyo dadaalka ay Dowladdu ugu jirto sidii loosoo celin lahaa Nabadgaliyada. Wuxuuna ku booriyay xubnaha Jaaliyadda inay ka qayb noqdaan horumarinta Dalka, maadaama ay yihiin Muwaadiniin aan howlahaas looga maarmayn.

Jaaliyadda ayaa si wayn usoo dhawaysay Madaxweynaha iyo hadaladiisa, waxaana Kulanka Qaahira ka dhacay uu ahaa mid aad u ballaaran oo raynrayn iyo farxad kusoo dhamaaday, iyadoo Muuqaalada ay Warbaahintu ka heshay Kulankaasina ay muujinayeen Boqolaal Dadweyne Soomaaliyeed ah oo Calanka iyo Astaanta Dalka kor u ruxaya iyagoo u dhag-raaricanaya Khudbadda uu Madaxweynuhu halkaas ka jeediyay.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com