SAWIRO Shirkii dalalka Islaamka ee Qaahira lagu qabtay iyo qudbadii Madaxweynaha jeediyay.

08/02/2013

.


 Qaahira,Masar,07,Febraayo, )2013Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad ka jeediyay shirka ururka dalalka Islaamka (OIC) oo Qaahira maanta lagu soo gaba-gabeeyay.

 


R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, iyo Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Madaxweynaha ku wehliyay shirkaan.


Madaxweynaha ayaa qudbadii uu halkaa ka jeediyay uga mahadceliyay dhamaan dalalka Islaamka taageerada ay siiyaan ummadda Soomaaliyeed.Mar uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xassan sheegay in Soomaaliya ay sidii hore ka fiicantahay laakin howl badan weli qabyo tahay, dhinaca amnigana horumar la taaban karo laga gaaray sida burcad badeedii iyo kooxihii nabad diidka ahaa ee Al-Shabaab oo awoodoodii hoos loo riday.


Ugu Danbeyntii ayuu Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay waxey kulamo gaar ha la qaateen dalal kale oo ay ka mid yihiin Isku Tagga Imaraadka Carabta(UAE) Cumaan iyo dalal kale oo ka tirsan ururkan. Waxeyna ka wada hadleen sidii xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaas loo xoojin lahaa



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com