Kenya oo qeyb ka mid ah ciidamadeeda Soomaaliya kala baxaysa.

08/02/2013

.


War kasoo baxay Golaha amaanka ee Q,M ayaa lagu sheegay in dawlada Kenya ay ay qaar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomalia la bixi doonto todobaadyada soo socda.

 
Warkaan Q,M kasoo baxay ayaa waxa shaaca looga qaaday indawlada Kenya ay 20% dhimi doonto ciidamada Soomaaliya ka jooga
 
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in la filaayo ciidamo ka socda dalka Seraleon  oo tiradooda gaarayso 850-askari ay kusoo biiran ciidamada midawga Africa  ee ka howlagalaya Soomalia muddo 2 bilood gudahood ah iyagoo badalaya askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya oo dalkooda dib ugu laaban doona.
 
Warka ayaa sido kale lagu shegay in xog’hayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa Ban ki Moon uu arimahaani kala hadlayo xubnaha Golaha amaanka
 
Wararku waxay sheegayaan in dawlda Kenya ay Soomaaliya kasii joogi doonaan askar garaysa (4652  Afar kun lix boqol konton iyo labo) Askari ilaa iyo dhamadka bisha November ee sanadkaan.
 
Ciidamada Kenya ay kal bixi donto Soomaalia waxaa ay garayaan 3800-askari,arintani waxa ay imaanaysaa iyadoo dowlada Kenya ay u dacwad u gudbisay Q,M oo ku aadanaa in Q,M aysan bixin lacagahii laga rabay in ay siiso ciidamada Kenya ee howlgalka AMISOM ka qeyb qadanaya iyadoona tilmaantay in Kenya ay filaysay lacago gaaraya 132milion oo dolarka maraykanka.
 
Ciidamada Kenya waxa ay gudaha somalia u soo talaaben 11-ki bishi October sanadii 2011-ki iyagoo la dagalamaya xarakada al-shabab.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com