Daniel Ayalon : " Waxaan ka cabsi qabaa in Syria la mid noqoto Soomaaliya oo kale oo ay ka taliyaan.."

08/02/2013

.


Wasiir ku xigeenka arrimaha dibbada maamulka Yahuuda Daniel Ayalon oo la hadlayay wargeys la yiraahdo Deutsche Welle oo kasoo baxa wadanka Holland ayaa Sheegay in Syria ay noqon doonto Soomaaliyada labaad ee dunnida oo ay ka talin doonaan kooxo uu ku sheegay xag jiriin Al-Qacida ku xiran.
Daniel Ayalon waxaa uu sheegay in Syria ay hayso wadadii Soomaaliya waxaana uu tilmaamay inuu aaminsan yahay in Al-Qacida ay  isku urursanayso dalkaasi sidii ay Soomaaliya iskugu urursadeen sanado ka hor.
 
 In xaalad halis ah ay ka jirto gudaha Syria oo ay dagaalamayaal badani hub ku haystaan taasoo marka loo ego u ekaanaysa sida ay Soomaaliya ahaan jirtay sanidihii ay bilawga Al-Qacida ku aheyd Soomaaliya oo kale ayuu shaaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Yahuuda.
 
“Waxaan ka cabsi qabaa in Syria ay la mid noqoto Soomaaliya oo kale oo ay ka  taliyaan xag jiriin Al-Qacida waana arrin muuqata haddii aan wax laga qaban” ayuu sidoo kale yiri Daniel Ayalon .
 
Dhawr jeer ayaa la digay in dagaalada ka socda wadanka Syria ay sii socdaan haddii kale ay waji kale yeelan karaan.
 
Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ku jiray muddo 20 sano ka badan ayaa mar kasta tusaale loo soo qaataa marka la doonayo in loo digo dad dawladooda ku kacsan.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com