Ciidamo ka socda Dowladda Ingiriiska oo ku soo socda Magaalada Muqdisho.

07/02/2013

.


Dowladda Ingiriiska ayaa Ciidamo gaar ah dooneysa inay u soo dirto magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya,  kuwaasoo loogu talagalay inay taageeraan ciidamada Soomaaliya sida uu qoray Wargeyska the Times ee kasoo baxa magaalada London.
 
Ciidamadaan Ingiriiska ayaa waxaa  ku jira saraakiil tababar siinaya ciidamada milatariga dowladda Somala,  iyagoo sahmin doona marka hore amniga Muqdisho inuu saamixi karo in ingiriiska  ay Soomaaliya dib uga furato Safaaradii ay ku laheyd Soomaaliya.
 
Mas’uuliyiin ka tirsan waaxda difaaca Britain ayaa laga  soo xigtay imaanshaha ciidamadaas sida uu qoray wargayska The Times , iyagoo isugu jira  la taliyayaal Milatari iyo Ciidan si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabab ay ku doonayaan inay dib u soo celiyaan awoodii ay ku lahaayeen koonfurta Somalia.
 
  
Dhinaca kale Sanadkii hore ayey aheyd markii degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose lagu arkay ciidamo ka socda Britain oo la socda ciidamada Midowga Afrika ee xiligaas qabsaday degmada Afgooye.


Nagala soo Xiriir Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com