Khasaare ka soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya Qarax ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

07/02/2013

.


Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay labo kalena wey ku dhaawacmeen markii qarax xooggan lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degaanka Mareerey oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
 
Miino laga hagayey meel fog ayaa loo adeegsaday  qarxaasi, iyadoo ciidamada Dowladda  loogu sii aasay goob ay fariisan jireen mar marka qaarkood oo ku taala degaanka Mareeyey oo illaa 6-km u jira degmada Afgooye.
 
  
Askariga ku geeriyooday qaraxaas iyo dhaawaca labada kale ayaa loo soo qaaday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyadoo uusan jirin war ku saabsan qaraxaas oo ka soo baxay maamulka degmadaasi iyo kan Gobolka Shabeelaha hoose.
 
Dhinaca kale ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa  markii dambe gaaray degaanka Mareerey, iyagoo  howlgalo baaritaan ah ka bilaabay goobtii uu ka dhacay qaraxa  iyo nawaaxigeeda.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com