Rag Shabaab lagu eedeynaayo oo ay Makamad uga bilaabatay USA

07/02/2013

.


4-ruux oo Soomaali ah ayaa dalka Maraykanka maxkamad ku taala magaalada San diego, kuwaasi oo la sheegay in lala xiriirinaayo inay taageersan yihiin Al-Shabaab.
 
Jeffrey Miller  Xeerilaaliyaha maxkamada Sandiego  ayaa sheegay  in ragaas qaarkood ay Soomaaliya u soo safreen si ay uga barbar dagaalamaan Al-Shabaab qaarna ay lacago ku taageereen,  islamarkaana si dag dag ah ay usoo afjarayaan dacwadaan ku saabsan ragaan.
 
4-ta qof ee Soomaalida ah oo maxkamada ay dambigooda cadeymaha u raadineyso ayaa lagu kala magacaabaa Bassaly Macalin,Maxamed Maxamuud,Ciise Doore iyo Axmed Nasir Tahliil Maxamed iyadoona sidoo kale lagu eedeynayo in lacag gaareysa $8,500 oo dollar ay Soomaaliya u soo direen ayna ku taageereen Xarakada Al-Shabaab
 
 
Sidoo kale Dacwad oogayaasha Maxkamada magaalada SAN DIEGO ayaa soo bandhigay canjal maqal ah oo uu ku duuban yahay Aadam Xaashi Ceyroo oo ka tirsanaa hogaanka al-Shabaab oo weydiisanaya Mr Basal Macalin inuu dhaqaale ku taakuleeyo Al-shabaab 3-dii Febraury ee sanadkii 2008-dii  
 
 
Dhinaca kale Dhowr jeer oo hore Maxkamadaha dalka Mareykanka ayaa la hokenay muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Burcad badeeda Soomaaliya.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com