Ilmo Mucjiso ay ka muuqato oo Muqdisho lagu dhalay.

07/02/2013

By: Mohamed


Haweeney Soomaaliyeed ayaa Cisibtalka SOS ee Magaalada Muqdisho ku dhashay Ilmo yar oo aan San iyo Af toona lahayn. Sidaasina waxaa lagasoo xigtay Howlwadeenka Cisbitalka.

Warbaahinta Gudaha ayaa maanta hadal heysa Haweeneydan oo Shalay umushay Ilmaha Mucjisada lagu arkay oo Wiil ahaa.

Wiilka yarka ay ayaa Saaka ku geeriyooday Cisbitalkii Shalay uu ku dhashay. Waxaana sidaas lagasoo xigtay qaar ka mida Ehelada Ilmaha yarka ah oo Warbaahinta la hadlay.

Ilo-wareedka lagasoo xigtay Dhacdadan ayaa xusay in Ilmaha yarka ah Saacadihii uu noolaa uu Neefta ka qaadanayay Dhagaha, waxayna Dhagihiisu ku yiileen meel ka hooseysay halka ay Dhagaha Aadanaha caadiga ahi ku yaalaan. Sidoo kalena wuxuu lahaa Luqun aad uga dheer  tan Bani’aadamka kale.

Wax war ah oo Ilmaha yar iyo arrintooda uu kasoo saaray Cisbitalka ay Ilmuhu ka dhasheen ma jiro. Sidoo kalena lama helin Sawirro laga qaaday Ilmaha yarka ah ka hor inta aanu dhiman ama ka dibba.

Dhacdooyinka ceykan ah ayaa aad ugu yar guud ahaan Caalamka, Soomaaliyana horay looguma arag Ilmo sidan oo kale iyagoo ah dhasha.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com