Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Waxgaradka Beled-Wayne oo jilibka isu laabay

07/02/2013

By: Mohamed


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya Cabdikariim Xussein Guuleed ayaa wuxuu Maanta ku suganyahay Magaalada Beled-Wayne ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo isagoo la socda Ra’isul wasaaraha Dalka uu Shalay gaaray.

Wasiirka ayaa ka haray Wafdiga Ra’isul wasaare SAACID ee Shalay sida wayn loogusoo dhaweeyay Beled-Wayne, waxaana Wararka aan Maanta heleyno ay sheegayaan inuu Kulamo kala duwan la leeyahay Maamulka Deegaanka iyo Bulshadaba.

Wasiir Cabdikariim ayaa dhinacyada uu la kulmayo kala hadlaya amniga Deegaanka iyo xaaladaha nololeed ee ay Dadku ku jiraan.

Wasiirku wuxuu Kulamadiisa ugu sheegayaa dhinacyada uu la qaadanayo sida ugu haboon ee loo xoojin karo Maamulka iyo Dowladnimada ka jirta Deegaanka iyo horumarinta dadaalada nabadgaliyada lagu sugayo.

Dowladda Soomaaliya waxay dhawaanahanba ku jirtay dadaalo ay ku kasbanayso Kalsoonida Bulshada ku nool Gobalada dalka. Waxaana taas gun-dhig u ahaa Socaal uu Ra’isul wasaaruhu ku kala bixinayay Gobalada, kaas oo uu ugu dambeeyay Safarkii uu Shalay ku tagay Beled-Wayne.



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com