Xubnaha Guddiga Dib u heshiisiinta heer Qaran oo Muqdisho ku kulmay

07/02/2013

By: Mohamed


Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Kulan looga hadlayay Dib u heshiisiinta, kaas oo ay kasoo qayb galeen xubno ka kala socday Hay’ado Maxali ah.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyay Guddiga u xil saaran Dib u heshiisiinta heer Qaran. Waxaana kasoo qayb galay dhinacyo kale oo arrimaha Dib u heshiisiinta ka shaqeeya.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay sida loo horumarin karo Dib u heshiisiinta heer qaran, waxaana la isku dhaafsaday Kulanka waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka qabsoomay howlaha Guddiga Dib u heshiisiintu loo dhisay.

Gudoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse oo Hadal halkaas ka jeediyay ayaa xusay in Guddigoodu ay wax badan Baaqyo nabadeed u dirayeen Bulshada Soomaaliyeed si loo xaliyo dhamaanba khilaafyada Dadka ka dhex dhaca.

Guddiga Dib u heshiisiintu wuxuu Kulankan kula midoobay Hay’ad ka shaqaysa arrimaha Xalinta Khilaafaadka oo sida la sheegay iminka wixii ka dambeeyay Guddiga kala shaqayn doonta howlaha Dib u heshiisiinta.

Guddigan waxaa la dhisay Sanado ka hor, wuxuuna in mudo ah ka shaqaynayay dadaalo lagu joojinayo Khilaafyo dhex maray Beelo Soomaaliyeed, inkasta oo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu tiriyo howl ka guul gaaristeedu ay u baahantahay waqti iyo dadaal dheer, maadaama Dalku uu mudo badan Dagaal sokeeye kusoo jiray.

 



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com