Afsoomaaliga Yaa Matala? (Qormo) By: Shaakir Maxamed Cabdullahi
By: Mohamed
|
Afka waxa uu ka mid yahay astaamaha ama qodobbada madaxa laga tirin karo ee lagu baadi sooco dhaqanka, haybta iyo asalka ay ummad ama koox dad ahi leedahay. Qeexid aan murugsanayn oo afku leeyahay waa ereyada iyo ulajeeddooyinkooda oo ummadi ay isku garato. Dadka adduunka ku nool inta ayan baran qoraalka casriga ah ee afka (qoran) lagu keydiyo, oraah, sheekooyin, maahmaahyo iyo suugaan ayay afkooda ku waarin jireen. Mar danbe, waxaa la sameeyay buugaag lagu qoro xeerarka afka uu leeyahay iyo qaamuusyo (erey koobe) lagu ururiyo ereyada uu afku ka kooban yahay. Ummadaha casriga ah, shaqooyinka iyo waajibaadka dowladda ayay ku dareen ilaalinta, dhowridda, kobcinta iyo keydinta qoraallada afka, maaddaama uu yahay astaan u taagan aqoonsigooda, dadka kalana looga garto.
Afsoomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka guunka ah, balse aan nasiibka u yeelan in mar sii hore la qoro oo far u gaar ah loo sameeyo. Dhowr bil ka hor, dabayaaqadii sannadkii tagey (2012) ayay ahayd kolkii la xusayay oo loo dabbaaldagyay xuskii afartan guuradii kasoo wareegatay kolkii afsoomaaliga qoraal rasmi ah loo sameeyay. Qornaan la’aanta afsoomaliga muddo aad u dheer, waxay geyeysiisay in uu lumo dhaxal afeed, dhaqan fac weyn iyo taariikh afsoomaaliga HODMIN lahayd mar danbe.
Qoreyaasha iyo wax-aqoonta Soomaaliyeed, ee wax ka qora ama ka faallooda taariikhdii dawaladdii Kacaanka, waxay ‘qoriddii afsoomaaliga’ ku tiriyaan waxqabadkii ugu weynaa (ama mid kamid ah) oo ay xaqiijisay. Waayo? Berigaa wixii ka danbeeyay ayaa la karay in la qoro wax kasta oo kaabayay ama ka qeyb qaadanayay waaridda dhaxalkii afsoomaaliga (maanso, sheekooyin, dhaqamo abaaday, hab-nololeed, taariikh,…) Muddada ‘qaran burburka’ lagu sheego, afsoomaaliga wuxuu mutay dayac iyo daryeel la’aan mug weyn, sida wax kasta oo kaleba ay darrow u muteen. Afka, wuxuu u baahanyahay, sida caadiga ah, in uu la qoob-wadaago is bedbeddelka nolosha casriga ah; si taas looga lib keenona waa in loo helaa af-yaqaan xeel dheer oo u heellan heeganna u ah dejinta eray-bixintii uu afka kula jaanqaadi lahaa qalabka iyo fikradaha (dhaqan bulsho, dhaqan-dhaqaale, siyaasad, tacliin,…) uu hadba dadku nolosha kusoo biiriyo. Hawsha noocaan ah, inta badan, waxaa dusha u ridata dawlad.
Qarnigii tagey, qeybtiisa danbe, si guud, isbeddel weyn ayaa ku dhacay hab-nololeedka dadka adduunka ku dhaqan. Isbeddel weyn haddana dhaqsa ah ayaa hareeyay biseylka fakarka bani’aadamka ee ku qotoma wejiyada kala kaanka ah ee nolosha, sida dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda, cayaaraha iyo madadaallada, millitiriga iyo ciidanka, isgaarsiinta, gaadiidka, caafimaadka IWM. Muddadaas, Soomaalida, marna socod-barad ayay ahayd, marna waa dawlad la’ayd. Marka laga yimaado ama aan ka indho-laabanno, habaca iyo dib u dhaca afsoomaaligu waayuhu badeen waqtigaas aan soo sheegnay, horumarka ama erey-bixinta afka lagu soo kordhiyay ama lagu tarjumay erey-bixinno af shisheeye, la islama wada garan dadkuna iskama warqabin. Si kale, erey-bixin kasta oo qof ama hay’ad samaysay sidii la rabay dadka uguma dhex baahin, hadday baahdayna lama adeegsan. Si kasta oo ay xataa erey-bixinnadaas sax u ahaayeen, dadku fursad uma helin (sabab doontaba) in ay ka warqabaan ama ay adeegsadaan. Waxaana ugu wacan baan is leeyahay erey-bixinta oon il (source) midaysan ka imaanayn.Tusaale ahaan, dad badan ayaa dadaal u galay sidii ereyada kombuyuutarka (qeybe, tubsheel!) iyo kasmada la xiriirta ay erey-bixin ugu samayn lahaayeen, balse, (waana ka xumahay) dadaalkaas sidii la rabay miro-dhal uma noqon; waayo sidii la rabay looma adeegsan ereyda umana baahin. Berigii ay dawladdii Kacaanka dalka ka arrimineysay wixii cusub ee afsoomaaliga quseeya, oo inta badan Akadamiyaha Dhaqanka ama Guddigii Afsoomaaliga ka yimaada, dadweynaha, waxaa loo sii marin jiray hay’adaha dowladda ee kala duwan oo shaqada ku leh, ama dowladda lafteeda ayaa xafiisyadeeda ka hirgelin jirtay. Balse, maanta, dadaal kasta oo la bixiyo waxaa caqabad ku ah oo ku hor go’an midnimo la’aanta marjacii (meelo-dayeenkii) wax laga qaadanayay oo loo irkanayay.
Erey-bixinnada xiisaha leh oon ku arkay qaar ka mid ah mareegaha Soomaalida waxaa ka mid ah[1]
- Haddeerin: updating
- Haddeersan: updated
- Haddeeri: update
- Tubsheel dhabsaar ah: laptop
- Ogmo Farebeed: Digital information
- Qolofdaar: Hadware
- Farsamaatiga Ogmo Tubsheel: Information Computer Technology
Kuwo kale oon idaacadaha ka maqlay waxaa ka mid ah:
- Siyaasadaha guntin-isku-giijiska ah: austerity plan.
- bam guri-ku-samays ah: Homemade bomb
- Fikir-curiye: thinker
Haddaba, qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan dadka wax qora waxaa la gudboon in ay baahiyaan erey-bixinnada ugu caansan ee dadka afka yaqaan ay isku hawleen, inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo usoo gacan bannaanaata siisana afsoomaaliga maamuuskii iyo daryeelkii uu mudnaa.
Shaakir Maxamed Cabdullaahi
shaakirmc@gmail.com
Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com








SHIRIB la yiraahdo DIB-U-SOCOD
FIIRSO heestii SHIRIBKA II TUMA iyo Xidigga Reer Norway Xus. Nuuriyow
FIIRSO SHIRIBKA MAANTA iyo Shaaciye waa Guurow aad u cajiib ah wax badana kuu ifihaayo oo la magac Baxay "MAKRILOOW"
FIIRSO Hees MOXOG oo ay ka Muuqdaan Gabdha ha bilicda san ee Reer Muqdisho XUSUUS mmm
FIIRSO Shirib iyo Guu-row loo tiriyay Milkiilaha webka shaaciye Xuseen Madoobe QEYBTA 1aad
SHIRIB ku saabsan Somaliland "Salaan lama Sacbood ahaan Siilaanyo ku Salaan lahaay"
FIIRSO Shirb Tashuushki waa naga Tegoo yaa Tahay leysu Tooga maa
FIIRSO Guuroow Laashin Carabow "Nimanyahow hadaad dagan tihiin diirka ka heshiiya" waa ujeedo in la fahmo mudan
FIIRSO Shirib Barbaarta Gaashaaman oo Shiishka saartay Shabakadda Shaaciye
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo T ku Taal hadaan ka Tashaney Tageen MAAN SHALLAAH
SHIRIB Mudane Sheekh Shariif Miyaan, Musbaax da keenin Meel Qurxoon, Mudane Xasan sheekh Miyaan
FIIRSO SHIRIB Mudulood Muqdishow Mowlaa ka dhigay Makaankiisi
FIIRSO SHIRIB Sadax walxaatoo H ku taal iyo Sadax kaleeto weys Hubaan (MURTI)
FIIRSO Shaaciye SHIRIB Lala Shibanaa Jiroow Shacab raba u Shaaciyey
KU RAAXEEYSO Hees Cajiib ah oo Shirib ah hadana Daadis Weyn ah iyo Shukri Shumeeey
FIIRSO Shirib Dhurbeele miihid noo dhashee waxa lagu Dhahaa Dhabiil
FIIRSO Shirib " Dhaqanka Shaaciyoow ka Dhowr walax Dhalan Rogo oo Dhumaa !"
FIIRSO SHIRIB Aamino Kuluc, Kaltuun Bacado, Cabdiraaq Gaadaco iyo Abwaan Cabdiraxmaan Gaas
SHIRIB Kaftan gobaadle murtiyeed iyo Abwaan Barre Fiidoow, oo Qoraal iyo Muuqaal ah FIIRSO
SHIRIB ku socdo Halyey M.Cali Ameriko oowna tiriyay laashin indhabuur
FIIRSO Hees cusub oo SHIRIB ah lana magac baxday BALCAD erayadii Xuseen Madoobe, Laxan kii Bashiir Cali Xuseen, Musikadii A.A.Naaji
FIIRSO Hees cusub Aragti iyo Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Fiitamiin- oos
FIIRSO Taariikh Fanneed kii Alfannaan Axmed Yaasiin.
FIIRSO hees cajiib ah oo Fanaaniinta Nimco Yaasiin iyo Farxiyo Fiska Somalia iyo somaliland ku kala metelay
FIIRSO Madaxweynihi hore Shariif oo qudbad English ah ka jeedinaya Morehouse Collage
DHAGEYSO Odayga Beesha Hawiye Xaad si kulul ula hadlay Dowlada Daarood, iyo Kenya
FIIRSO Ragii wax ka dhisay Somaliland oo maanta ku doodaya in la helo midnimo Somaliweyn maxay tahay UJEEDADA!?
Dhageyso Gaandi iyo Cumar Cabdirashiid oo la cadeeyey in ay Kismaayo u joogaan in ay Badda gataan
DHAGEYSO Gudoomiye Tarsan oo furka tuuray kuna kacay Mamul goboleedyada MAXOW KA YIRI
FIIRSO si walbaba SOMALIA Wey Socotaa: The new SINGAPORE of AFRICA as Mahathir once predicted Qalinkii M. Xaaji Raage
FIIRSO Guurow Laashin Daahir Khalafow oo seefta gasha kala baxay Q.2aad
FIIRSO Fanaanada Qoobka ciyaarka ku caan baxday ee Sahruuja iyo heestii MEERMEERTOY
FIIRSO Kooxda caanka ah ee Waayahacusub oo si heer sare ah uga tuntay Reer Muqdisho
FRIISO Ciyaariyahanka caanka ee Barcelona Adriano oo Muslimay
FIIRSO Guurow Cajaa' ib badan oo meelo badan taabanaayo iyo Laashin Daahir Khalafow Q.1aad
FIIRSO 17 dalka Germany u dhashay oo hal mar soo islaamay MAAN SHALLAH
FIIRSO Ibrahim oo ah wiilka ay Qaar ka tirsan Saxaafadu ka been abuurteen oo nool.
FIIRSO Fanaanad Xaawo kiin oo soo saartay Video cusub iyo heesteedii laga daba dhacay ee Gocasho
Fiirso, Nin sugaayey inow Bus raaco, oo la kulamy arin owsan filaneynin!