Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Qaahira uga qeybgalaaya shirka ururka Islaamka.

06/02/2013

.


 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ka soo degay gegida dayuuradaha ee Qaahira si ay uga qeyb-galaan shirka Ururka Islaamka (OIC) kasoo ay kasoo qeyb galayaan 59 dowladdood.

 

R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal, La taliyaha Madaxeynaha ee xagga Amniga Qaranka Mudane C/Raxman Sh. Ciise iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamal Dahir. Xassan Guutaale ayaa Madaxweynaha kala qeyb galayo Shirka OIC .

Shirkaan ayaa waxaa xoogga lagu saari doonaa dhibaatooyinka ka taagan dalalka Islaamka. Waxaana si gooni ah looga hadli doonaa dhibaatooyinka ka taagan dalalka Soomaaliya, Mali, Sudan iyo Suuriya.

 

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa ka go’an sidii dalka Soomaaliya xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa dalalka caalamka. Sida aad la socotaan Madaxweynaha ayaa  horay ula kulmay Madaxda dalal kala duwan si loo soo celiyo heshiisyadii ay Soomaaliya la laheyd dalalkaas.

DSC_9445
 
DSC_9441

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com