Dowlada Ingiriiska oo malaayiin Doollar ugu Yaboohday Dowladda Soomaaliya.

05/02/2013

.


Xog hayaha hormarinta Caalamiga ah ee Dowladda Britain  Justine Greening  ayaa ku dhawaaqday in 4.7 Million oo Dollar ay ugu deeqayaan dalka Soomaaliya  si wax looga qabto   dib u dhiska dalka iyo xaalada liisata ee ay ku suganyihiin haweenka iyo caruurta.
 
Dowladda Britain ayaa balanqaaday inay tababaro siineyso xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo ay bixinayaan talooyin la xariira dastuurka,  iyadoona sheegtay in lacagtan qaar kamid ah lagu wareejinayo barnaamijka Cunada aduunka ee WFP.
 
Britain ayaa sheegtay in 63 Milyan oo Puond ay ugu yaboohi doonto sanadkasta Soomaaliya si wax loogu qabto arimaha gargaarka iyo mashaariic kale ee  ku baxaya dalka Soomaaliya.
 
Yaboohan iyo balanqaadkan ka soo yeeray dowlada Britain  ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada London kula kulmay R/Wasaraha Britain David Cameroon uu kulan kula qaatay.
 
Dowlada Britain ayaa marti gelineysa shir ay ka qeybagalayaan dhinacyada Soomaalida iyo wadamada deeqaha bixiya kaasoo si wadajir ah ay ushir gudoominayaal hogaamiyaasha labada dal.


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com