OBAMA OO SAWIRRO HADALKIISA QILAAFSAN LA SOO SAARAY FIIRSO SAWIRADA

03/02/2013

.


Waxaan weli Dadka maraykanka xusuustoodii aan weli ka go’in Dhacdadii xanuunka badneeyd ee dhacday dhamaadkii sanadkii tagay kana dhacday Magaalada Newtownee lagu xasuuqay caruur badan ee dhiganaysay iskuulka ( Sandy Hook elementary school in Newtown ).

 

Xasuuqaan waxaa geestay wiil dhalinyaro ah oo markii danbana isaga isdilay ,dhacdadaasi Madaxweyne Obama aad ayuu ugu xumaaday waxaana uu booqasho deg deg ah ku yimid goobta uu ka dhacay xasuuqa ba’an, isagoo muragadii laqaybsaday dadkii ku waayay caruurtooda.

 

 

Madaxweyne Obaama wixii xiligaasi ka dambeeyo waxa uu olole ugalay inuu joojiyo Hubaka in shacabka Maykanka aysan hub haysan Karin si sharci ah & si shaci daro ahba , waxaa kaloo uu ku dadaalay inuu meel mariyo, in iskuulada Ciidan ilaaliyo loo sameeyo oo hubaysan.

 

Dadaalkaas uu madaxweyne Obama uu sameeyay waxaa soo dhaweeyay oo uriyaaqay Dadweynaha Maraykana intooda badan aad ayayna ugu farxeen hadalada ka soo yeeray madaxweyne Obama, iyagoo aad ugu mahadceliyay dadaalka Madaxweynaha.

 

 

Dadweynaha Maraykanka waxaa layaab iyo ama kaag ku noqday maalintii Jimcaha sawiro laga soo daayay Aqalka Cad (White House) Sawiro Madaxweyne Obaama oo Dabrid ama Shiish barasho kujira sawirkaan waxaa uu ahaa August 2012, xarunta Camp David. Gudaheeda.

 

Dadweynaha maraykanka ayaa aad ula yaabay hadalka madaxweyne Obama & sawiradaan oo muujinaayo sida uu uxiiseeynaayo barashada shiishka ama dabridka,

 

Sababta uu Aqalka cad usoo daayay sawiradaan ayaa lagu sheegay sababteeda keenay in ay tahay kadib markii waraysi lala yeesha Madaxweyne Obama 27/janaayo / 2013 ayaa lagu waydiiyaya su’aal ah weligaa xabad ma riday waxa uu ku jawaabay haa waan riday waana ku raaxaystaa rida xabada waana Dhaqan & hiddo ugaarsi .

 

Aqalka cad waxaa kaloo uu soo daayay Sawiro kale oo madax weynayaashii ka horeeeyay obama oo iyaguna dabrid ama shiish barasho ay ku sameeyeen sida George W. Bush October 1994,, John F. Kennedy May 1963, President Dwight Eisenhower 1950

Dhamaantood shiish barashadaan waxay ku sameeyeen xarunta Camp David dhexdeeda.

 

Dadweynaha maraykanka waaga ayaa ku baryay waxay ogaadeen in madaxda maraykankaoo dhan in ay jecelyihiin barashada hubka iyo isticmaalkiisa, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Obama sidee ayuu shacabka maraykanka uu usheegay in uu joojindoono hubka haysashadiisa,iyo sawiradaan hadda soo baxay iyo waraysigiisa uu ku sheegay in uujecelyahay shiishka , sidee ayuu isku waafajindoonaa hadaladiisa iyo sawiradiisa cadeynaayo inuu shiishka jeclyahay.

 

Hadal heenta Dadka maryakanka ayaa ah Sawiradaan uu soo saaray Aqalka Cad iyagoo sugaayay in uu madaxweyne obaama uu wax ka qabandoono Hubka, lakiin hada rajadu wey is bedashay kadib daawashada sawiradaan cusub ee Obama

 

Xafiiska Wararka Shaaciye W/Ameeriko



Nagala soo Xiriir Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com