Nin gurigiisa ku qoray Towxiidka oo dacwad lagu soo oogay UK.

03/02/2013

.


Mahmood Ali, 54 jir waa nin ganacsade ah oo ku nool wadanka Ingiriiska Magaalada Newport, South Wales.gurigiisa ayuu ku qoray kalmada Towxiidka isagoo far qurux badan ku qoray si wanaagsana u xardhay rinji cagaaran ayuu ku qoray oo meel fog laga arki karo


waxaa dacwad ku soo oogay nin deriskiisa ah oo yiri waa in kalmadaan aan maalinwalbo aan arko markaan ka soo baxo guriyayga waa in meesha laga tirtiraa dicaayadaan ,waxa uu yiri si kalmadaan meesha looga masaxo lacag faro badan ayaan ku bixinayaa.ayuu yiri

Mahmood Ali waa nin asal ahaan ka soo jeedo wadanka Pakistan , waxaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah oo ah in uu ka masaxo gurigiisa hortiisa waxaa uu ku qoray oo ah kalamada Towxiidka ,iyadoo dacwadaas uu ku soo oogay nin ay jiraan la ah oo dhibsaday kalmada ku qoray wejiga hore uu guriga ninka islaamka ah
Dacwada waxaa loo gudbiyay public hearing ee Newport Civic Centre, Mr Ali waxaa uu ka qaatay Abiil (appealed )
 
ninka soo dacweeyay Mahmood waxaa uu ku doodayaa waa kalmad (advertising) dacaayad ah sida boorarka Makdoonalka oo kale ah
waxaa loo sharxay kalamada Towxiidka waxay ku qorantahay Afka Carabiga waa a loo micneeyay iyadoo ingiliish loogu sheegay oo ah 'There is no god but God, Muhammad is the messenger of God'

arintan muslimiin badan oo ku nool dalka ingirisika ayaa ku soo baxay waxayna yiraahdeen sow tii Reer galbeedku ay ku doodi jireen xuriyatul qolka (freedom of speech) mise waa been hadii xuriyatul qoowlkii aad sheegi jirteen ay sax tahay waa in qof walbo waxa uu doono ama uu jecelyahay uu soo qoran karo kuna dhawaaqi karo

dacwada weli waa soctaa weli go'aan lagama gaarin

Xafiiska Wararka Shaaciye W/Ameeriko


Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com