Cisbitaal lagu Caawiyo dadka Owlaad la'aanta ah oo laga furay Wadanka Shiinaha

05/01/2013

.


Wuhan Songziniao Hospital ayaa laga furan Gobolka Hubei ee waddanka Shiinaha, waa Cisbitaal loogu tala galay in wax loogu qabto Dadka iska waayay inay Ubad ama Caruur isku Dhalaan oo aan weli waxba isku dhalin ,


Dhaqaatiirta sida ay sheegeen waxaa jiro Dad Caafimaad qabo balse ay ka qaldan tahay Howsha isku taga ama jiifka sariirta, si dadkaasi ay wax udhalaan ayaan ka caawinaa, ama waxaa jiro Dad buur buuran ama dad Caato ah oo aan sida saxa ah aysan u dhicin howshooda sariirta, howshu waxay u baahantahay in la Cilmiyeeyo.

Cisbitaalka waxaa joogo Dhaqaatiir iyo kal kaaliyaal si casri ah wax kuu tusinaayo , hadii labada isqaba ay noo yimaadaan waxaan wax ku barnaa si cilmi ah, Ninka waxaa wax baraayo dhaqtar Nin ah, oo waxaa noo yaalo qalab Caag ah oo sida Naagta usamaysan oo aan ugu talagalnay ayaan Ninka wax ku tusinaynaa oo uu ku barto howsha saxda ah, si ay suuro gasho in Xawadiisa ama Manidiisu ay gaarto Goobta loogu talagay, waxaan sinaa macluumaadka uu rabo ee ka maqan marwalbo

Naagtana waxaa wax Tusinayso Dhaqtarad Naag ah oo wax ku Tusinayso Qalab Caag ah oo sidii Ninka usamaysan taas oo iyana wixii ka qaldan aan ku barno
 
Dad badan ayaan aragnay oo ay ka qaldanyihiin sidii ay si sax ah howshooda sariirta uqabsan lahaayeen.iyagoon aqoon nooca ay isu tagi lahaayeen ee uur ay kuqaadi karto , arintaana waxay ku xirantahay qaabka Naagta ay u dhisantahay miskaheeda, qofba si ay ku qaadaa uurka waxaana kala duwan qaababka Minka, iyo qaabka hoose ee Dumarka

Dadka qaababka ay u samaysanyihiina way kala duwantahay markaad meelo badan ka eegto waxaad arkaysaa dad mudooyin isqabay oo aan waxba isku dhalin oo caafimaad qabo balse ay ka qaldan tahay kulankooda sariirta,

Haddaba Cisbitaalka waxaa uu leeyahay Qolal ay yaalaan sariiro ay ku xiranyihiin qalab Casri ah oo dhaq dhaqaaqa kaa saacidaayo sida jiifkaada inuu dheelitirnaado iyo xiliga ciyaarta ay socoto

waxaa lagu siinayaa Cajalooyin kaa caawinaayo gudasha howsha sariirta Qolka waxaa kuugu xiran TV oo aad ka daawan karto Cajaladaada ,sariirta waxay dheelitiraysaa howsha gudashadeeda iyadoo wareega dhiigaada la soconaysao marwalbo

Qolka sariirta waxaa loo habeeyay si aad iyo aad uqurxoon waxayna qayb ka tahay dhicana rabitaanka dadka qaar waxa laga yaabaa inaysan ka fikirin Go' ama sariirta kalarka ay ka dhigaan waxaa jiro kalaro Caafimaadka ama kulanka sariita ku wanaagsan kuwani waa kuwo Caafimaadka loo soo xulay ayuu yiri mid ka mid ah dhaqaatiirta ka hoowl gasho Cisbitaalka

Habeenkii waxaa lagu seexdaa 880 yuan - ama £88 oo ay kal kaaliyaashu ay yihiin habeen iyo maalinba inay wax kula qabtaan dad badan ayaan wax ugu qabanay mudda yar ee aan furneen ayuu yiri maamulaha Cisbitaalka.

Dad rabay inay ilmo isku abuuraan iyagoo mudooyin badan isqabay ayaan qaliin la'aan wax ugu qabanay oo kaliya kulanka sariirta ayaa kaqaldanaa, waana usaxnay si sahal ah ayay uur ugu yeeshaan waana guul aan rabnay in aan gaarno


Xafiiska Wararka Shaaciye W/Ameeriko



Wixii arimo ah ee ku saabsan webka shaaciye.com kala xiriir milkiilaha webka Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com ama shaaciyemedia@hotmail.com