Muqdisho/9/june/shaaciye

 Odayaashii isku magacaabay Golaha Dhaqanka iyo Misnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa la xaqiijiyey , inuu Khilaaf Xooggan soo kala dhex galay ka dib markii uu warbaahinta ka Cadeeyey Afhayeenkoodii dhanka Siyaasadda.
 
Afhayeenka Odayaashaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Dheere, ayaa maanta warbaahinta si cad uga sjeegay in Golhoodu uu Khilaaf soo kala dhex galay , kaasoo uu sheegay inuu Mudo soo jiitamaayey.
 
Afhayeenka Golahaasi ee dhanka Siyaasadda ayaa sheegay in Madaxda Kooxdoodu Maxamed Xasan Xaad, iyo Axmed Diiriye Cali,ay ku takri faleen mabaadii'dii Golahaasi isagoo sheegay in ay keligood isku koobeen maamulka iyo go'aamada Golahaasi,
 
Afhayeen Cabdullaaahi dheere waxaa kaloo uu intaasi ku daray in labadaasi Mas'uul ee Xaad iyo Diiriye ay Kooxdooda ka dhex bilaabeen kala soocod iyo Nin Jecleeysi, isagoo sheegayna inuu ka xun yahay in Khilaafkoodu banaanka u soo baxo.
 
Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa iyagu horay Khilaaf noocaan oo kale ka dhex dilaacay sanadii hore, ka dib markii ay Cabdulaahi  Sheekh xasan, oo u mataliyey dhanka Siyaasadda iyo Xaaji Cabdi Iimaan oo ahaa Gudoomiyahooda oo dhinac ah iyo Xaad iyo Diiriye oo dhinac ah ay laba garab u kala jabeeen.
 
Weli wax war ah kama soo bixin Odayaasha Diiriye iyo Xaad oo iyagu ah kuwa lagu eedeeynaayo kala sooco iyo Nin jecleeysiga
  
        Nuuraddin Cadaawe
 
   SHABAKADDA W. SHAACIYE

kala xiriir Afrika iyo Asiya  shaaciyenews@hotmail.com

Erope iyo W/Amerika Xuseen Madoobe xuska03@shaaciye.com

 

 

 

 



 

          Copyright © 2008 Shaaciye.com All Rights Reserved,Disegned by Xuseen Madoobe