Magaalada Muqdisho oo dagaallo ay ka dhaceen sababayna in barakac baahsan uu ka dhasho halkaasi ayaa waxaa uu sababay in dadkii barakacay ay dhibaatooyin lasoo gudboonaadaan.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa xilligii dalka ay kusugnaayeen waxaa barakacii ugu xooganaa uu ka dhacay deegaannada ay kubadan yihiin beelaha habar gidir lakin Alshabaab ayaa iyana waxa ay sababeen iyo Xisbul Islam in barakaca ugu badan ay ka dhigaan dadka waqooyiga Muqdisho kudhaqan ee Abgaal.
Dadkii Itoobiyaanka ay barakiciyeen waxa ay dageen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana u dooday siyaasiyiintooda iyo hey’adaha kala duwan ee warbaahinta kuwaasi oo ku qasbay hey’adaha samafalka iyo jaaliyadaha dibadda ee dadkooda ay isku heybta yihiin lasoo gaaraan gargaar deg deg ah.
Hadaba Beelihii ka barakacay Waqooyiga Muqdisho ayaa nasiib darro aad u weyn ay kudhacday, waxaana ay tahay nasiib darradaasi in ugu horeyn ay wax ka waayeen dadkii ehelka ay wada ahaayeen ee qurbaha kunoolaa.
Sidoo kale waxa ay waayeen Aqoonyahanno u dooda oo Hey’adaha Samafalka kasoo dhadhiciya sidii dadkaasi waqooyiga Muqdisho ka barakacay wax loo gaarsiin lahaa.
Lama garanayo damiir xumida intan la eg halka ay uga timid ehelada dadkii ka barakacay waqooyiga Magaalada Muqdisho oo la ogsoon yahay in ay yihiin dad leh aqooyahanno waaweyn oo caalamka laga yaqaano xilalka ugu sareeyana ka haya hey’adaha qaar.
Warshiikh, Ceelmacaan iyo duleedka Muqdisho ee dhinaca waqooyi ayay dadkaasi oo idil ku barakaceen, waxaana aanu jirin illaa iyo hadda cid si rasmi ah uga warheysa oo ay u muuqdaan in la iska iloobay.
Iminka ayaa looga fadhiyaa dadkaasi ciddii wax u qaban laheyd maadaama ay cawdeen oo si waliba ay u cawdeen iyaga oo rajo kaleh in lasoo xusuusto kadib markii dhibaatada heysata ay u adkeysan waayeen.
source:Mareeg