SHAACIYE 07-10

Maxaa keenay in Beelweynta Mudulood ay deegaankoodii Qaxootinimo iyo Gunimo oogu noolaadaan?:

Waa  arrin  aan qofna ka qarsoonnayn  in ceeb, gunnimo, dadnimoxumo,  sharafxumo  iyo taariikhxumo ay ku habsatay  Beesha Mudullood. Labaatanki  sanno ee nasoo dhaaftay waxa aayar aayar  dadka Mudullood lagu fulinaayey qorsho  weyn  oo qarsoon oo lagu baabi’ibiyey qoomiyadoodi.

Shaki kuma jiro in qorshaha  ay ka dembeeyeen beelo Soomaaliyeed oo ku tashaday inay mudullood deegaankooda ka xoogaan.

Waa nasiibdaro in waxgaradki, culuma’udiinki, aqoonyahanki, nabaddoonadi, Duubabki uu ugu horeeyo Imaam Maxamud,  dhalinayaradi iyo bulshaweynti mudullood ay muddo labaatan sano ah ku fahmi waayeen qarshahaas sida weyn loosoo abaabulay.

Waxa aayar aayar  midba mar looga dilay shaqsiyaad qiima badan lahaa oo  ka  koobnaa  culumaa’udiin, saraakiil, aqoonyahano iyo dhalinyaro. Maanta arrintu waxay maraysaa in dhammaanba bulsahadi  mudullood guryahoodi laga barakiciyey oo ay ku silicsanyihiin geedaha hoosta.

Maxastayni  oo ka kooban waayeel rag iyo haween iyo caruur aan tabar lahayn ayaa ku rafaadsan  yihiin dhammaan deegaanki loo yiqiin  mudullood; waxay iska yaalaan geedaha hoosta ayaga oo aan haysan hooy, biyo iyo baad iyo wax alla wixi bani’aadamku ku noolaan  lahaa. Inti ka hartay culumaa’udiinki iyo odayaashi ahaa xabagta isku haysay bulshada waxay  u  qaxeen dalka dibaddiisa. Kuwi  isku  sheegaayey  siyaasiin oo dadkoodi hoostooda  lagu laayey waxay qaateen  wixi hanti ay uruursadeen  oo dalka dibaddiisa ayey ku raaxaysanayaan.


Waxaan su’aalayaa dadka mudulloodka  ku abtirsada:
•    Ma ila aragtiin sida  aan gun u noqonay?  
•    Ma ila aragtiin ceebta nagu dhacday  oo nagula sheekeysanaayo?  
•    Ma ila aragtiin in deegaankeyni uu  holcaayo?
•    Ma  ila aragtiin in si dadban  aan u ogolaannay in nala addoonsado?
•     Ma ila aragtiin in aan noqonay fulayihiin isdaafici waayey?
•    Ma ila aragtiin in kuwo calooshood u shaqeystayaal ah oo  nagu abtirsada ay horjoogaan  kuwa doonaaya inay  deegaanka naga xoogaan?
•     War  mawaadnan  arkeyna ceebta iyo sharafxumada beeleed ee nagu dhacday?
•    Ma ila aragtiin in mudullood  inkaarsadeen oo ay isdiideen  kuna  caasiyeen culumaa’udiinki ay mawlacyadoodi  diinka  kusoo barteen.?
•    Ma ila aragtiin in qoonki aan mideysneyn oo isdiida ay gun noqonayaa?

Waxaan idin  xasuusinayaa taariikhdi hore ee jaahiliyadu in raga  beelaha  dagaalku  ka dhexeeyo ay isugu cagajugleyn jireen oo ay dhihi jireen “Walaahi haddi aan dagaalka idinku jibino waan idin  guursaneynaa”.

Waa in aad ogaatiin in jaahilnimada nuucaas ah ay weli ku jirto beelaha Soomaaliyeed qaarkood oo rumeysan in beelo  Soomaalida ka mid ah oo ku sifoobay  qaboow, degganaan  iyo  nabadgelyo  jaceyl  ay bilcagsi u arkaan kuwo  duqon ah oo laga xoogi karo hantidooda iyo deegaankooda.

Waa nasiibdaro in beelaha hamigaas qaba ay rajaynayaan inay dhiiga ay daadinayaa  ku  gaaraan guul, horumar iyo nolol deggan oo ay wixi ay xoogeen ku raaxaystaan. Waxay adeegsadeen kooxo diimeed been ah oo ay qabaa’il kala duwan  ku bahoobeen si ay deegaan dad kale u qabsadaan iyagoo ku shaqeysanaaya kuwa inkaaro ku dhacday oo deegaanka u dhashay.

Bal maxay ka helayaan in dadkooda la laayo?

Hadaba maxaa la gudboon  beesha nasiibdaradu ku dhacday ee mudullood? Ma waxay doorbideen inay gunnimo iyo sharafxumo ku noolaadaan?  Sharafxumadaasu waxay raadreeb ku yeelaneysaa qoys kasta oo mudullood ah oo ay ku jiraan ubadka qoysaska calooshood u shaqeystayaasha.

Kelmada jahaad maxay tahay micneheedu? Ma dadka oo hantidooda, dhiigooda iyo  deegaankooda la xalaaleystaa? 

Ma deegaanka mudullood oo  ay ka mid yihiin:  Jawher, Balcad, Cadale, Warshiikh, Ceeldheer, Messegawaa, Galcad, ruunringood , Aadan Yabaal , Kaaraan, Yaaqshiid, Boondheere, Wardiigley iyo Shibis ayaa gaalo lagu jahaado deggantahay?

Waxaan ku gunaanadayaa “BAAQ”  aan u diraayo  mudullood  in uu isdaba qabto, midoobaan, arkaan ceebta ku dhacday, iscafiyaan dabadeed ay hawsha ka billaabaan  inay ka taqalusaan calooshood u shaqeystayaalka  iyaga ka dhashay; ka bacdina ay u gudbaan inay  iska dhacshaan kuwa iyaga  ku daba gambanaaya oo  ka soo shaqa tegay beelaha kale. Jahaadka runta ah waa midka  aad isaga dafaacaysid cadawga kugu soo duulay  oo burburinaaya hantidaada,  deegaankaaga, jiritaankaaga iyo sharaftaada.

Abukar Hirabe,
Hirabe8@hotmail.com

 


Kala Xiriir Xafiiska Shaaciye ee  Xuseen Madoobe shaaciyenews@hotmail.com,    webmaster@shaaciye.comtt i Norge samt sende 50 SMS. Skulle du overstige vår øvre grense på 500 ringemttter, vil pris


Why Muslim Singles at Muslim4Muslim.com?gest Arabic marriage and dating sites on the internet today. In fact, Muslim4Muslim has one of the most extensive list of Arab Muslim members of Lebanese, Egyptian, Saudi, Emirati, Jordanian, Moroccan, Algerian, Iraqi and Syrian origin. Whether you are Arab American or of Arabic background living in Europe or Canada, you are sure to find an Arab match for marriage or maybe just an interactive one on one chat. We advertise extensively on many of the Arabic wesbites on the internet, thus ensuring that we have a constant influx of new Arab members registering every single day. Become one of the thousands of Arabs who have connected through our Arabic personals. After you meet your marriage partner, be sure to tell your friends about Muslim4Muslim.com.

 
  •  
  •