|

Söderhamn Daawo
Sawirada: Waxaa maanta ka
dhacay magaalada Söderhamn ee dalka Sweden xaflad aad u
ballaaran oo lagu soo bandhigayey dhaqamada iyo cuntooyinka
kala duwan ee umaddaha ku nool magaalada Söderhamn.
Xafladaas oo
loogu magacdaray Habeenka Caalamiga ah ee ay ku kulmaan
Umaddaha kala duwan ee leh dhaqamada kala duwan ayaa waxaa
soo qabanqaabiyey ururo badan oo ay ka mid yihiin Söderhamns
kommun, IME, CFl, Kultur och Fritid, Amicus, Jaaliyadda
Kurdida, Jaaliyadda Umadda Soomaaliyeed ee Söderhamn, Ururka
Red Cross, Iskuulka Musiga, Ururka Bilda iyo Ururka ABF.
Munasaabaddaas oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada
Söderhamn waxaa maanta si heer sare ah uga qaybqaatay
soomaalida deggan magaalada Söderhamn oo muujiyey
soomaalinimo iyagoo halkaas ku soo bandhigay hiddaha iyo
dhaqanka ay soomaalidu leedahay noqdayna waddanka number
kowga ka galay xafladda.
Waxyaabihii darajada ugu sareeyey lagu siiyey soomaalida
barnaamijkaas ka qaybqaadatay waxaa ka mid ahaa iyagoo
kariyey cuntooyin aad u heer sareeya oo umaddihii kala
duwanaa ee ka soo qaybgalay xafladda ay u wada riyaaqeen
isla markaasna ay kuligood codkooda wada siiyeen Soomaalida.
Hablaha Soomaaliyeed ee deggan magaalada Söderhamn ayaa
waxay halkaas ku soo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo
dhaqanka soomaaliyeed sida dhaantada taas oo kicisay
dareenka umaddihii ka soo wada qaybgalay xafladda.
Waxaa kaloo xafladaas ka qaybgalay fanaanka da’da yar ee
Mahammed Abdullahi Warsame oo heeso kala duwan oo aad loogu
riyaaqay ka qaaday goobta, heesahaas oo kiciyey shucuurta
dadkii ka soo qaybgalay xafladda.
Waxyaabihii xafladdaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa
Break Dance, Piano, Qoobka ciyaarka Thailandeeska iyo
Eritreans intaba.
Waxaa kaloo xafladdaas khudbad ka jeediyey Gudoomiyaha
Jaaliyadda Umadda Soomaaliyeed ee magaalada Söderhamn Mudane
Cumar Cali Cumar oo uga mahadceliyey soomaalida sida weyn ee
ay uga qayb qaateen xaflada, isagoo isla markaasna dadka
Swedishka ah ee deggan magaalada ku booriyey in ay si fiican
u soo dhaweeyaan ajaanibta soo degtay magaalada Söderhamn.
Xafladaas oo ahayd mid si weyn loogu riyaaqay waxaa ka soo
qaybgalay ugu yaraan 1000 qofood oo isuga jira Swedish,
Soomaali baddan, Arab, Thailandese, Eritreans, Ethiopians,
iyo umaddaha kale ee deggan magaalada Söderhamn.
Soomaalidii ka soo qaybgashay xafladaas isla markaasna
qaybta ugu weyn ka qaatay abaabulka xafladda ayaa waxaa
wajiyadooda laga dheehanayey farxad aad u sareysa mar hadii
ay noqdeen wadankii ugu fiicnaa ee ka soo qaybgala xafladda,
soona bandhigay cuntooyinkoodii ugu wanaagsan, alaabtoodii
hiddaha iyo dhaqanka iyo iyagoo soo bandhigay qoobka
ciyaarka ay soomaalidu hiddaha iyo dhaqanku u leedahay.
Omar Ali Omar
Söderhamn, Sweden
Photos: Rickard Lundkvist















|