Oslo-25-05  SHAACIYE


 Shir weyne  Muddo laba maalmood uga socday W/Muqdisho Beelaha Mudulood ayaa lagu soo gaba gabeeyay gelinkii dambe ee manta, iyadoo kulankaasna looga hadlay qodobo muhiim ah oo ku wajahnaa danaha Beesha Mudulood oo ku wajahnaa taageerada Beesha Mudulood ee dhinaca Dowladda iyo iska difaacida weerarada gardarada ah ee dhaliyay barakaca iyo qaxa baahay ee ka jira deegaanada Beesha Mudulood ay ku abtirsato.

 

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Xildhibaano ka tirsan Beesha Mudulood ah, Siyaasiyiin oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Maamulka G/Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Culumaa’udiin, waxgarad, Aqoonyahano iyo Haween, waxaana si weyn loogu lafaguray mudadii uu socday shirkaasi arrimo badan oo quseeya danaha Beesha,  dhinaca siyaasadda, dhaqanka, Deegaanka, nabad kuwada noolaanshaha derekeeda iyo iska difaacida cid kasta oo ku soo gardaroota ee doonaysa inay barakiciso shacabka Mudulood, waxyeelo u gaysato dhaqaalaha iyo danaha gaarka ah ee ay beeshu ku leedahay Degaanadeeda.

 

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale loogu magic daray kulankii wadatashiga iyo iscafinta, iyadoo ay ka qeybgaleen dad gaaraya 1500-oo xubnood oo isgu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana sidoo kale lagu ansixiyay in siyaasadda iyo talada Beeshu ay mid noqoto, wixii siyaasad ahna looga dambeeyo raga mas’uulka uga ah Beesha Mudulood Dowladda Federaalka ah oo ku dhisan 4.5.

 

Besha ayaa sidoo kale isku waafaqday in deegaanadeeda duulaan lagu yahay ayna u istaagto iska difacida cadow kasta ee ku soo gardarooda diinteeda, sharfteeda iyo hanteeda, islamarkaasna waxey beeshu si gaar ah isku waafaqday in dagaalka hada Muqdisho ka socda uu yahay dagaal siyaasadeed balse uusan ahayn dagaal Qabiil, sidaas darted waxaa loogu baaqay cid kasta ee lug ku leh dagaaladaasi inay ka waantowdo, Beshana waxy isku raacdo inay iska celiso cid kata oo ku soo xadgudubta, sida Ururka Al-Shabaab.

 

Xildhibanada Beesha Mudulood oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Ing Maxamed Xuseen cadow, Salaad cali Jeelle, Xuseen Caraalle Cadaan, Xildhibaan maxamed Cabdi Ibraahim (Miirkow), C/laahi Maxamed Xasan (Garuun) iyo sidoo kale Xildhibaan Prof. Cali Maxamed Nuur (Mugaambo) oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa isku raacay inay aad ugu faraxsan yihiin kulankaan labada maalmood uga socday Beesha Mudulood oo ay magaceeda ku matalaan Dowladda KMG ah, waxeyna sheegeen in loo baahan yahay Midnimo iyo wadajir lagu difaaco danaha Beesha Mudulood.

 

Waxey Xildhibaanadu Beesha Mudulood ugu baaqeen inay ogaadaan  inaan la arki doonin meel lagu duugo dadkiina sharafta leh, islamarkaana ay Al-shabaab doonayso inay la baxaan lafihiina iyagoo u iib geynaaya wadamada ay ka dhacaan Dhulgariirka iyo Masiibooyinka.

“Waxey Al-shabaab doonaysaa inay la baxaan Culimada Beesha Mudulood oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabdi Celli, Sheekh Cali Cabdulle iyo Sheekh Muxyadii Celli iyo Culimada kale ee sharafta leh, sidaas darted waa inaad ogaataan in waxa loo socdo inaad tihiin idinka, waxaana waajib idinku ah inaad ka hortagtaan danaha gaarka ah ee kooxda Al-Shabaab”  ayay yiraahdeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Maxmed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere )  Gudoomiyihii hore iyo Duqa Gobolka Banaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Waa Ilaah Mahadii inaan manta ka soo qeybgalo kulan ay isgu yimaadeen Walaalaha Mudulood, waxaana ogahay inay arrintu ahayn sidii hore, balse anigaa hadii aan iska hadlo sida aad la socotaan, waxaa xiray Cadow, waana ka soo gudbay cidii ka xumaatay iyo cidii ku farxdayba waan cafiyay, waxaana ogahay inaad ka dhiidhiseen xarigayga, waxaan diyaar u ahay inaan wajaho meel kasta oo aad ii darsataan” ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Daladda Bulshada Rayidka ee deegaanada Banaadir C/Qaadir Towxow iyo Muxyadiin Xasan Afrax oo iyana sheegay in loo baahan yahay in beeshu yeelato Midnimo iyo wadajir oo ay uga hortagto kooxo ay sheegeen inay doonayaan inay ka barakiciyaan deegaanadooda.

 

 










 

Soomaalidamaanta

 

 

         Xuseen Madoobe                     

 Xafiiska wararka Shaaciye.com

shaaciyenews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copy Right © 2009 Shaaciye media Center designed By Abukar Mohamed Abukar Soft
Home
 Qur'aan
Deeyoo Music
Cisaleey Video
 Heeso
Maqaalo
Amin Amir  Arts
Wareysiyada
Ciyaaraha
Contacts