![]() |
![]() |
|
Oslo-25-05 SHAACIYE
Dowlad walba oo la soo dhiso ma Hawiyeey Xukunytaa oo xasuuqdaa
waxa ay la burburtay iyo waxa ay tan iyo maanta xaarka ugu dhex jirto iyo waxa dalal shisheeye loo macaansanayo oo jinsiyado dalal kale loo hanqal taagayo, war meeshu waa meel dad la' oo dadkeedi baa iska noqday dad baaba' ah. Somaliya Wasiiradeedi iyo siyaasigeedi ruug cadaaga ahaa ayanu aragnay oo sidii gu' jir wada xaarka qasanaya. Ilaah baan idinku dhaarshee, soo la yaab maaha in xitaa Hawiye oo maanta madaxweyne ah ay Somaliya sidan sii noqoto? Runtii waa wax lala yaabo oo waliba lagu qoslo in maanta oo dalka madaxweynihiisu yahay nin kasoo jeeda saldanadii la odhan jiray Abgaal uu dalku noqdo meel xayaawano galeen ah oo caasimadii noqotay meel ka dhamaan la, "Sh. Shariif baa yidhi, Xasan Daahir baa diiday". Maxaan beenta isugu sheegaynaa marka! Hawiye oo maanta xitaa madaxweyne isu ah ayaaba sidaa ah, bal ka waran hadii nin Isaaq ah loo dhiibi lahaa, malaa markaasay dagi lahayd Somaliya! Somaliya maanta waa, dal aan jirin oo burburay, dal aan dadkiisu dhexjoogin oo dunida ku kala firdhay, dal aan dawladnimo ka jirin, dal wax ala wuxuu qarankiisu iska lahaa qalab iyo hub milletery, Boolis iyo Asluub maanta kala firdhay oo ay ku jiro gacanta Mooryaan, qabiilo, qawlaystayaal iyo burcad. Dunidu markii ay ka yaabtay Somaliya waxa ka jira oo aan waligood la arag lana maqal dal xabaal ku jira oo la isku kor qabqabsado anigaa talin iyo anigaa talin iyo kuwa aan damiirka lahayn ee dagaalwadayaasha ah oo tiradoodu noqotay meel kasta oo dagaal sokeeye ka dhacay dunida meeshii ugu dagaalwade badatay, oo dunidii soo gurmatay iyo quwadihii dunida oo dhan ee isugu yimid ay waxba ka xalin kari waayeen dhibaatada, fawdada iyo qasku heerka uu ku suganyahay, ayaa waxaan jeclaystay in aan akhristaha usoo bandhigo meelaha aynu ka dhaqaaqi waynay ee taayirku inoogu rogmi la,yahay. Dunida meel dagaal sokeeye ka dhacay oo Somaliya ka dagaalwade (warlord) badan lama arag. Dalka Afghanistan markey ugu badnaayeen waxay gaadheen afar. Liberiya waxay ahaan jireen saddex. Libnaan waxay lahaan jirtay shan. Somaliya waxay ku dhawdhawyihiin soddon dagaalwade. Cabdullahi Yuusuf oo maanta ku nasanaya Yemen oo la sugayo in malakul mawdku halkaa ugu yimaado, ayaa lala yaabana markii uu ciidamada Itobiyanka ah dalka soo galiyay, haddaba maanta soo Sh. Shariif layaab kuma ah in uu caasimadii oo kaliyah u taag la, yahay, oo qabiilkiisi u taag la, yahay. Soomaalidu makala maaranto, meesha uu Isaaq ka maqan yahay walee inaanay waxba ka hagaagayn, meesha Daarood ka maqan yahay walee in ayna waxba ka hagaagayn, meesha Gudabiirsi ka maqan yahay walee waxba kama hagaagayaan, meesha Ciise iyo qabiilada kaleba ka maqan yihiin iga wala in aysan degeyn, Bal dhibka jira Soomaaliya waa dad aan waxba is dhaamin oo dhulka wada jiifa ayaa sidii mukulaalihii is wada cawryaya oo is wada xasdaya iyagoo xaarka wada qasanaya. Dagaaladi ka sooo cusboonaaday Muqdisho bishan May dhexdeedi ee dawlada lagu ridi gaaray, waxaa sabab u ah Cabdiqaybdiid oo dagaalka dawlada uga baxay, waxaa la sheega in Cabdi qaybdiid yidhi Abgaalku ha is difaaco anigu waxba difaaci maayo. Laakin warar kale ayaa sheegaya in Cabdiqaybdiid ciidan ku aruursanayo woqooyiga Muqdisho.' Maanta dalkeeni wuxuu gaadhay heer in sidii mukulaalo tiro badan oo hal cad oo hilib ah dhex yaalo oo wada eeganayo midba mida kale saan qaadkeeda iyo xarakadeeda si aysan midina mida kale cadkaasi hilibka ah uga hoos qaadin. Waa heerkaas heerka ay maanta Somaliya ku sugan tahay oo way is wada fiirinaysaa inaan cidina cida kale uga hor marin hogaaminta dalka. Waxaa maanta muhiim ah in lasoo celiyo Soomaalinimadii oo maanta ku sugan marxalad hoosaysa oo waliba khatar ah iyo waaxdadii wadajirka ee muqadaska ahayd ee Ummadda Soomaaliyeed (Somali Unity). Haddaba walaaladaydaas Hawiye Waxaan odhan lahaa waxa Somaliya qasaya waa idinka, waxa somaliya ka nasan la,dahay waa idinka, dhibaatada cariga Somaliya oo dhan dadka dhigay waa idinka, bal haddaba fikira oo wax isku fala, xitaa maanta madaxweyne ayaad hesheen idinka dhashay, mar haddi maanta Hawiye madaxweyne ka yahay Somaliya runtii waa arrin weyn, bal marka meel fadhiista oo isku qajila, qabqablihiinana qabta oo xidhxdiha. Abdikarim Ahmed Huseen skyword268@hotmail.com

Xuseen Madoobe
Xafiiska wararka Shaaciye.com
|
| |
| Copy Right © 2009 Shaaciye media Center designed By Abukar Mohamed Abukar Soft | |
![]() |